Kornayl Caarre: Annagaad nagu raaci waydeen markaan dagaalamaynay

Kornayl Caarre: Nimaan Dagaal Iska Daaye, Xataa Cayuun Cayuunkii Xaafadaha Aan Soo Arag Ayuunbaa Nabadana Looga Taag Waaya, Oo Markay Adkaatana Xijaabada Durmarka ku Cidhiidhya !!

Kornayl Siciid Cawil Jaamac Caarre ayaa ka hadlay khilaafka cakirane Siyaasadeed ee dalka ka jiran wakhtigan, waxaanu sheegay in uu kasoo hor jeedo cid kasta oo wada abaabul dagaal iyo khal-khal galinta amniga Somaliland,

Kornayl Caare waxa uu tilmaamay waxa laga dhaxli karo hadii ay dhacaan daagaal beelleedyo iyo  Colaad Sokeeye, waxaanu soo jeediyay arimo u sheegay in  Bulshada dani ugu jirto si loo xoojiyo nabad galyada, wada noolaansha iyo is dhexgalkooda.

Caare waxa uu intaasi ku daray siday lagama maarmaanka ay u tahay xoojinta amniga iyo degnaanshaha siyaasadeed ee dalka, waxaanu dhinacyada Siyaada ee uu ka dhexeeyo muranka siyaasadeed ugu baaqay in arinta ay soo dabaalan, wadatashina ku dhamaystaan yagoo raacayo ayuu yidhi Sharciga dalka

Korneelka Caare waxa kale oo Axsaabta Qaranka u hoga tusaaleeyay sida ugu mudan ee ay isugu soo dhawaan karaan, xalna uga gaadhi karaan khilaafka siyaasadeed ee wakhtigan kala irdheeyay Mucaaridka iyo Muxaafidka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Car iyo wir cid odhan kartaana ma jirto mana shaqaynayso, sharciga halagu dhaqmo ayaan leeyahay, awooduna Madaxwaynaha gacantiisa ayay ku jirtaa isaguna dalka ha u tudho, Xabadu waxba ma tarto anagaa naqaan, anagaad nagu raaci waydeen markaan dagaalamaynay ayuu yidhi kornaylku,

Waxaanu itaasi kusii daray in hubka la dhigo oo arinta lasoo dabaalo doorashana la qabto yado sharciga la raacaayo.

Care waxa uu intaasi ku daray in aanu labada dhinam midna taageersanayn waxaanu yidhi ” Anigu oday Somalilander ah ayaan ahay kabada dhinac midna ma raacsani ee waxaan raacsanay maamulkoo dhisnaada iyo qorshohoo hagaagsanaada.”