Hargeysa -(Berberanews)-Maxamuud Daahir Jaamac oo mid ahaa toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iska casilay xubinnimadii Guddidaas maanta.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa madaama uu yimid isqab-qabsi iyo xaalado ka dhex abuurmay Komishanka Doorashooyinka, aniga ayey i joogtaa in aan qarankayga u tudho, oo aanan xilka ilaashan. Markaa waxaan halkan ka sheegayaa in aan maanta laga bilaabo iska casilay xubinnimadii Guddida Doorashooyinka Somaliland,” ayuu yidhi Maxamuud Daahir Jaamac oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa maanta.
Mr. Daahir oo ka mid ahaa labada xubnood ee Golaha Guurtida ku metelayey Komishanka Doorashooyinka, ayaa iscasilaaddiisa sabab uga dhigay khilaaf cakiran oo in muddo ah ka dhex oogan xubnaha guddida, kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore, mid cusubna la doortay dhowaan, khilaafkaas oo keenay in Madaxweynaha Somaliland u magacaabo guddi madaxbannaan oo baadhiseed, inkastoo Guddoomiyaha cusub iyo xisbiyada mucaaradku si adag uga soo horjeesteen.
Waa xubintii labaad ee iska casila toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ka kooban yahay, iyadoo uu hore isu casilay Cabdifataax Aadan Xasan oo ahaa xubinta guddida ugu jiray xisbiga UCID, taasoo in muddo ah bannaan.