Muuse Biixi ayaa Doorasho Diidan Bulshada Somaliland laga iibin kari maayo ee wax kale u sheega bulshada.
1- Isagoo Xisbiga Kulmiye markaa lagu warejiyey ayuu ogolaaday inuu Urur Siyasaded dib ugu noqdo 2012 oo tartan uu dib ula soo galay 7 Urur.
2- Isagoo madaxweyne ah oo 62 Xildhiban oo Kulmiye ah haysta ayuu ogolaaday inuu doorasho baarlamaan qabto maabtana uu 30 xildhiban oo kulmiye ah haystaa.
3- isagoo maayarada dalkoo dhan haysta ayuu ogolaaday inuu maanta laba Mayor oo Kulmiye ah haysto.
4- Maanta isagoo Madaxweyne ah ayuu diyaar u yahay in xusbigiisu Urur dib ugu noqdo oo hadii uu hadho uu sidaa ku ilaabo isagoo bulshada Somaliland oo siyaasada laga xidhay u danaynaya.
Hadaba Muuse Doorasho kama beqee wax kale bulshada u sheega anigana waad i ogtihiin in aanan waxba u qarin laakiin arintani mid mucaaradka ka iibsamaysa maaha.
Reer Somaliland min Bari ilaa Galbeed waxay ka daaleen Siyasadii Somaliland oo 3 xisbi xidheen.
Wa bilaahi tawfiiq
Siyaasiga Garyaqaan Cabdiraxmaan Ubaxle.