Yaan Laga Bixin Xayndaabka Dastuurka iyo Xeerka Somaliland!

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu waajibinayaa in doorashooyinka mid walba waqtigeeda lagu qabto. Sidoo kale, Xeer 14/2011,  ayaa isna waajibiyey in liisanka xisbiyada qaranku yahay 10 sanno, iyadoo isla xeerku jideeyey in ururrada siyaasadda la furayo lix bilood ka hor dhammaadka muddada xisbiyadu liisanka haystaan, waana waajib in doorashada tooska ah ee ururrada siyaasadda iyo doorashada Madaxtooyada mid kasta waqtigeeda la qabto sida sharciga ah.
Marka xaalkuba intaas yahay waa in wixii khilaaf ah lagu xalliyo si sharciga waafaqsan, wixii intaas dhaafsanna waa gardarro iyo gef laga gelayo shuruucda iyo xeerarka u yaal dalka Somaliland.
Xeer 14/2011 waxa uu xisbiyada qaranka ka mamnuucayaa inay ku kacaan falal qabyaaladaysan oo loogu kala abtiriyo bulshada Somaliland, waxa kaloo uu xisbiyada ka mamnuucayaa abaabulka iyo ficillada wax u dhimi kara amniga iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Suxufi Maxamed Cirro