Caalimkii weynaa ee Sheekh Cali Warsame oo geeriyooday

Hargeysa— (Berberanews)-Allah ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa geeriyooday, wuxuuna ahaa caalim si weyn loo yaqiinay, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame ayaa lagu xasuustaa inuu ka horyimid ku lug lahaanshaha daagalladii Al-itixaad ay ku gashay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose.

Sheekha oo muddo dheer ku jiray dacwada iyo fidinta diinta ayaa dhowr jeer la xidhay intii uu ku jiray fidinta dacwada, wuxuuna sidoo kale hore u cambaareeyay falalka maleeshiyada Al-shabaab.

Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururkaa Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida sheekha.

Berberanews.com