Hoggaamiyihii Ciidanka Cas ee Japan oo xabsiga laga sii dayay 20 sano ka dib

Japan-(Berberanews)-Aasaasihii kooxda xagjirka ah ee ciidanka cas ee Japan ayaa laga sii daayay xabsiga ka dib markii ay dhameysatay 20 sano oo ay qeyb ka ahayd go’doomintii safaarada 1974-tii.

Fusako Shigenobu, oo 76 jir ah, ayaa muddo tobanaan sano ah ka baxsanaysay in la qabto ka hor inta aan lagu xidhin Osaka sanadkii 2000.

Kooxdeedii hore ee laga cabsan jiray waxay rabeen inay kiciyaan kacdoon hantiwadaaga caalamiga ah iyada oo loo marayo falal argaggixiso oo heersare ah.

Waxa ay fuliyeen afduubyo iyo weeraro xidhiidh ah, iyo sidoo kale weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Israa’iil.

Laakiin Shigenobu waxa waqti ku qaatay weerarkii 1974-kii lagu qaaday safaaradda Faransiiska ee The Hague, halkaas oo safiirka iyo tiro kale ay 100 saacadood qafaasheen saddex dabley ah oo ka tirsan Ciidanka Cas.

Go’doominta ayaa lasoo afjaray ka dib markii Faransiiska uu sii daayay mintid ka tirsan Ciidanka Cas, kooxdaasina ay u duuleen dalka Suuriya.

Shigenobu kamay qayb qaadan weerarka lafteeda, balse maxkamad Japan ku taal ayaa sannadkii 2006 ku heshay inay gacan ka gaysatay isku dubaridka, iyada oo ku xukuntay 20 sano ah.

“Waxa laga joogaa nus qarni ka hor…laakin waxaan dhaawac u geysanay dad aan waxba galabsan oo shisheeye nagu ahaa anagoo mudnaanta siinnay dagaalkeena, sida afduubka,” ayay tidhi, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Waxay hore u muujisay sida ay uga xun tahay 26 qof  oo ku dhintay weerar lagu qaaday madaarka Lod ee Tel Aviv 1972kii.