M. Biixi iyo madaxda xisbiga WADDANI oo shacbiga Somaliland ka tacsiyeeyey geeridaSheekh Cali Warsame

Hargeysa  -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee maxruum Sheekh Cali Warsame Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 28/05/2022 dalka Urdun.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka, muddo dheerna wax soo barayey bulsho badan, kana aflaxeen kumannaan culimo ah, isagoo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Sidoo kale, Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna ka hadlay geerida Allaah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan, waxaanu yidhi; “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, culimada iyo shacbiga reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timi Allaah ha u naxariistee sheekheennii weynaa Marxuum Sh Cali Warsame Xasan oo xaqii ku helay dalka Jordan.
Sheekh Cali, waxa uu ka mid ahaa rukunnada waaweyn ee culimada Soomaalida oo idil, waxa uu dacwadda iyo wanaagga farista ka shaqeynayey muddo ka badan nus qarni, Ilaahay baan u weydiineynaa in uu ka casuumo Jannatul Firdowsada sare, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo. Aamiin.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isaguna ka hadlay geerida Allaah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan.