Nepal-(Berberanews)-Diyaarad yar oo rakaab ah oo ay la socdeen 22 qof ayaa lagu waayay cimilo daruuro badan oo dalka Nepal Axadii, waxaana maamulka uu hakiyay baadhitaan ay ka sameynayeen dhul adag xilli habeenimo ah.
“Howlgalka baadhitaanka waa la hakiyay maanta mugdiga awgeed,” afhayeenka booliiska Bishnu Kumar K.C ayaa u sheegay Reuters.
“Wax horumar ah ma sameyn karno. Baadigoobku wuxuu dib u bilaaban doonaa goor hore oo berri ah.”
Saraakiisha ayaa sheegay in cimilo xumo iyo dhul buuraley ah ay caqabad ku noqdeen dadaalkii ay ku doonayeen in ay ku helaan diyaaradda, De Havilland Canada DHC-6-300 Twin Otter oo ay maamusho Tara Air oo si gaar ah loo leeyahay.
Diyaarada ayaa saaka aroortii duushay duulimaad 20-daqiiqo ah balse waxa ay lumisay xidhiidhka taawarka laga hago 5-daqiiqo ka hor xiliga ay dagi lahayd, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada.
Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada loo dalxiis tago ee Pokhara oo 125 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kathmandu.
Waxay ku sii jeedday Jomsom, oo qiyaastii 80 km (50 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan Pokhara, waana goob loo dalxiis tago oo caan ah.
Telefiishanka Nepal ee ay dawladdu leedahay ayaa sheegay in dadka tuuladu ay arkeen diyaarad ku gubanaysa isha wabiga Lyanku Khola ee ku taal gunta buurta Himalaya ee Manapathi, oo ah degmo xuduud la leh Tibet.
“Kooxaha goobidda dhulka ayaa u sii socda jihadaas,”
Afhayeenka Tara Air Sudarshan Gartaula ayaa u sheegay Reuters, isaga oo tixraacaya goobta uu dabku ka kacay.
“Waxay noqon kartaa dab ay wadaan dadka tuulada ama lo’da, waxay noqon kartaa wax kasta.”
Maamulka Duulista Rayidka ee Nepal (CAAN) ayaa sidoo kale sheegay in koox ay ku wajahan tahay aaggaas.
Shirkadda ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen 4 Hindi ah, labo Jarmal ah iyo 16 Nepali ah oo ay ku jiraan saddex shaqaale ah.
Shabakadda dabagalka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa sheegtay in diyaaradda la la’yahay, oo lambarkeedu yahay 9N-AET, ay sameysay duulimaadkeedii ugu horreeyay bishii Abriil 1979-kii.
Xafiiska cimiladu wuxuu sheegay in aagga Pokhara-Jomson uu dabooli jiray daruur qaro weyn tan iyo subaxdii.
Dalka Nepal oo ay ku yaallaan siddeed ka mid ah 14-ka buurood ee ugu sarreeya adduunka oo ay ku jirto Everest ayaa leh rikoodh shil diyaaradeed.
Cimiladeeda ayaa si lama filaan ah isu bedeli karta waxaana garoommada diyaaraduhu ay caadiyan ku yaalaan meelo buuraley ah oo ay adagtahay in la gaadho.
Berberanews.com