Yurub Geenyo iyo Gumarada Fanka

Codadka dhawaaqa shimbiruhu, haddii uu astaan u yahay Waaberiga iyo in Habeenkii galbaday oo dharaar la galay, tirsiga maalmuhu na i na dareensiiyaan in maanta iyo shalay ay kala huleeleen, oo mid waliba waayaheeda la socdaashay. Sidaas oo kale, Codka asaliga ah  ee Yurub Maxamed Cabdi Diiriye[GEENYO], waxa uu dadka Fan-yaqaanka ah u godliyaa una gole joojiya; nooca Nirigtu u godliso Hasha dhashay ee ku indho-kuulata.

Dadyowga faro ku tiriska ah ee aan lagu kala jabin Cod wanaaggooda —ayey safka hore kaga jirtaa. Yurub Maxamed Cabdi [ Geenyo], 1987-diibay ku dhalatay Hargeysa, hanaqaadkeedii barbaarnimo magaalada Boorame, ee xarunta gobolka Awdal ayey ku qaadatay.  Geediga faneed ee Yurub-Geenyo, waxa uu kasoo alkumay oo kasoo iniinyo aastay gurigooda, oo Hooyadeed Layla ayaa uu ahaa qofkii koobaad ee ku yidhaahda waad Cod macaan tahay, fanaanadna waad noqon kartaa, xilliyada shaqada guriga ayey ku qaadi jirtay heesaha Khadra Daahir, oo Hooyadeedna aad ujeclayd. Si kale ku ma garatide, waa Hooyadeeda ay uqaadday heesta tidhaahda:

“Noloshaba bilowgeed
Cilmi iyo barashadeed
Barta laga helaayaa
Barbar hooyo weeyaan.
Baxnaanadii naftaydaay
Bartii aan ka beermaay”

Sidii Khadra Daahir ay Sukhrada iyo dagaarada u ga ahayd jiilkeedii maanta badankooddu luxudka jiifo,  ayey Yurubna u gu tahay jiilkeeda ay nolol wadaagga la tahay ee xilligan Mariikh iyo Jiidha waaberi.  Mar Mahad-Awkadleeye su’aallay “Fanaaniintii hore ee Soomaalid midkeebaad noqon lahayd?” waxa ay ku adkaysatay, oo gaws dambeedka dhigatay Khadra Daahir. Garo oo bilowgii fankeeda heesihii Baroobada/Tijaabada la ga ga qaaday waxa ay ahaayeen kuwa Khadra Daahir. Yurub iyo Hooyadeed layla, kolka la ga tago Fan jacaylka ay ka simanyihiin; mar kale waxa ay ku kulmi jireen xiiseynta iyo dhagaysiga Khadra Daahir Cige.

***
Naanaysta weyn ee ay ku caano maashay (sida ay Waraysito badan ku sheegtay) Farsamoyaqaan Xasan-Baanaroma ayaa ubixiyay. 
2007-diibay Fankeeda ka bilowday HARGEYSA, kooxda Goodirbay ku biirtay iyada oo iskaga dabqaadday kooxaha gaashaan iyo Liyu Band. Heesta Goor iyo Ayaan, waa heesihii u gu mucda weynaa ee lagu bartay  Magacaeeda, ereyada waxa lahaa abwaan Bacood. Laxanka Cali Anso, Sidoo kale heesta Goor iyo ayaan ayaa noqonaysa tii u gu horeysayee ay qaado. Heesta Rejo, oo uu  Laxankeeda  lahaa AHN Cabdifataax Shandaqiiqo, ereyadeedana uu curiyay Siciid-Dhaqasho, waa heestii labaad ee Albaabka Fanka u sii bidhaamisay. heestan kolka ay ku luuqaynayso Da’yaraan xoog ah ayaa ka muuqata.    

“Jacayl rasmiyaan sidaa
Rucubo ubaxaa wadaa
Adaan kula raadiyaa”

Labdaa heesood ka dib, Itoobiya ayey u kacday. Ma taqaana Sababta u gu weynee ku dirqiyaysay i nay Hargeysa ka socdaasho? Danta u gu weyn ee ay u tagtay waxa uu ahaa: maadaama oo Furinle ahaa “nin faraha la ga ga gubtay” oo Cabdi Fanax iyo Faysal tashi i su gu faani jireen “Miyuusigbuu ii tumay Axmed-Weli.”  sidaasbaa keentay Jigjiga, oo Miyuusigga dhawaqiisa iyo Neecawada geesta galbeed ka soo kaahdaybaa soo jiidatay.  Marlayba niyadeeda ku ma jirin degitaan iyo kooxda ku biir toona.

Iyada oo la Halaanhalaysa heestii Maxamed aadan Dacar, ee Cigaal iyo Khadra is ku gu hal celinayeen:

“Waan ku gu sahwiyayoo
  ku saadaalinayoon
muddo dheer ku sugayee”

Saw Jarmaade qoraxdu madaxa kala soo baxday jiro bari, Hargeysa gaadhi kamay soo fuulin, saw Jigjiga Gabal u gu ma dhicin, iyada oo ku hubaysan Hididiilo iyo rajo ah “Hargeysa waad kusoo noqonaysaa.”  Calafbaa adeeggaye, waa ku guursatay Axmed weligii ay baadigoobaysayna koox mid ah ayey wada nodeen. Khadra Cabdi Sinimoo iyo Fanaaniin kale ayey wada jaanqaadeen, oo Liyuu Band wada noqdeen. Omoska iyo awaaruhu qarin maayo kaalinta Faneed ee fara-dahable Axmed-Weli Ibraahim Furinle, 2012-kii ayey Hargeysa ku soo noqdeen, muddo kooban ka dibna XIDIGAHA GEESKA aasaaskoodiibaa yimid, halkaasi oo Halgankeedii faneed kasii oogsaday ku na noqotay KHADARA Daahirtii sabankan casriga ah.

Waa Hooyo Laba Ubad ah leh —Nimco iyo Nasri. Mar Siddiiq Maxamed Burmad wareysi ka qaadday Khadra Cabdi Siniimo, waxay carabowday in ay Yurub Xagga Xafidaada Heesaha dadka u gu horeeya ay kow ka tahay. Hobolladan dambe, Yurub waa dadka u gu heesaha badan. Waa dadka yar ee ay Halaabuurradu ku dagaalamaan hees u dhiibideeda. Waxa u gu weyn ee hoggaaminayaana waa “dareennada ay ka hadasho”.  Hal god ayuunbay Yurub ka heestaa la gu na bartay inteeda badan oo ah —Cabasho. Caloolyoowga iyo Ilmada sida roobka qubanaysaa, waa sumadda u gu weyn ee Heesaheeda loo gu tago.  Gudbinta Fariin-heeseedkeedu,  waa dadka la falgala, ee aan la ka la soocin kolba Dareenka ay la Halaanhalayso, haddii uu yahay —amaan, catoow iyo Jaadadka Suugaanta kalgacaylka ah ee la gu bartay. Waa sababta dadka Yurub fankeeda falanqeeya ay u yidhaahdaan “qofkii lab ah ay la heestaba Waxbaa ka dhaxeeya. “

Yurub Maxamed Cabdi, cid waliba ma dhagaysato; sababta oo ah QALBIGA ayey la hadashaa, Nugaylkuna waa Fariin aanay ka caajisin, Suugaanta jacaylka ahina qayb nolosheeda kamid ah ayey noqotay. Haa, waa run oo ruuxdeeduu ku milmay Caashaqu. Miyaanad maqal kolka ay leedahay :     

“Intaan u shub dhiig lahaa
Dhansii dacar maad lahayd
Intaan ku dhawoow lahaa
Miyaad ka dhaqaaq lahay”

Ma ogtahay in heeso door ahi nolosheeda turjumaan ka yihiin? aan ku xasuusiyo heestii Naxli, oo uu ereyadeeda leeyahay Xasan Dhuxul ( laab-saalax) ee odhanaysa:

“Adoo niyadda i ga jaray
Jacaylka na nitaaqiyo
Naxali iyo xumaan baday
Saw dookha nacaskii
Rejo naawil i ma odhan”

Foorjada iyo ku daadinta toona Yurub waa dadka aan la gu baran, inta aan arkay heesaheeda marka la ga tago hees Cabdilahi Xasan ganay leeyahay, oo tidhaahda:

“Kolkii aan jihaystee
Kaa jeestay adigaa
Soo jeesanaysaa
Jaw nabadgalyo jaw”

Nacaybku boos ku ma la ha nolosheeda faneed marlayba. Xaafuun iyo qaraamkii cuddoonaa marar badan waa ku subkataa, oo codkeeda dahabiga ah ku ma qadaysid —marka ay Laxannadaasi xaragoshubayso. Sawtu Raxma ayey u heshay sed naanayseed.
Heeseheedu, waa wada Hoobaan bislaatay, oo dhadhankeedu la ga ma go’aan wada yahay, balse si gaar ah waxa aan u jeclahay heeso door ah oo ay qaado, gaar ahaan heesta “Hargeysaba kamaan tageen” oo uu midhaheeda leeyahay Halabuur Siddiiq M.Burmad, waxa kale oo naftaydu aanay ilaabi karin hees ereyadeeda uu leeyahay Axmed Cismaan Batuun, oo tidhaahda:

” Hadaan qalin iyo waraaq
La galo qol madoow habeen
Qalbigu wuxuu muhanayaa
Inaan magacaaga qoro”

Waa dembi weyn in heesaha Yurub la kala xushaa, maxaa yeelay maba ka la dhacaan. Dadka aan inta badan baraha bulshada danayn, ee aan isticmaalin ayey ku jirtaa, kolka la ga tago Watisaab iyo Faybar, Laxannada loogu soo diro, dadkana ay kala xidhiidho mooyee. Taasi waa u nasiib badnaan kolka aad dhugato shacbiyada fanaanku sida ay u gu dhex lunto Sooshiyaal Miidhiyaha. Wadamada —Suudaan, Ingiriis, Imaaraadka ayey bandhig faneedyo ka la duwan ka ga qayb gashay, shaqsiyan waa qof Dhulka Hooyo jecel oo Qurbaha aan danayn sida ay wareysiyadeeda ku sheegtay. Mar Su’aal la ga weydiinayay In ay jeceshahay ” in U badkeedu ka dhaxlaan fanka” waa kasoo istaagtay oo diidday.
Nasiib badnaan iyo Burji caqabad inaanay fanka ku arag ayey aad usheegatay.

Afar sanno ka hor, kol ay Mudisho Bandhig-faneed ku soo qabteen iyada iyo hobollo kale, gabi ahaanba waxaa la ga saaray Kooxdii ay ku soo hano-qaadday ee Xidigaha Geeska. Waxa haddaba layaab leh; inay aqbashay iyada oo aan Handadaad iyo aflagaado toonna gaysan, balse Xasan Dhuxul ayaa ka soo daba tuuray riddo-heeseed Beeroof qaado oo tidhaahda:
“Qofbaa tago oo dhintee
Waxaad taraysaa Yaraa”.

Waa marka Yurub gilgilatay, ee ay falaadhahaha Suugaaneed kasoo gantay Banaadir iyo bandar Koonfureed, waa Muqdisho’e iyada oo leh:

“Sharaftiyo milgaha
Mawlahaa baxshee
Magacaan hantay
Ma masixi kartide
Haygu noqon mashquul”

Qalad weyn oo walaalihii X.Geesku ku kaceen bay ahayd “in ay lumiyaan Dheemankaasi maamusnaa iyo Macduunkaasi gobonimada xariirta ah u dhalatay.”

W/Q Jamaal ibraahim Dasuuqi