Burco: Imaam masaajid oo toorray lala dhacay caawa

Burco – (Berberanews)-Nin aan haybtiisa la aqoonsan, ayaa toorray ku dhaawacay goor dhoweyd imaamka Masjidka AlHuda ee magaalada Burco Sheekh Maxamed Mahdi.

Ninka weerarka fuliyey oo goobta ka baxsaday, ayaa la sheegay inuu dhowr jeer toorrey geliyey imaamka oo dhaawaciisa haatan lagu daaweynayo Cusbitaalka Guud ee magaalada.

Hay’adaha ammaanka ee Gobolka Togdheer ayaan weli ka hadal falka lagu dhaawacay imaamka masjidka AlHuda.