Fanka Soomaalida iyo Halganka Nolosha

“Fanka iyo Qaramiga
Fatwo joojin maysee
Fiyooliinta ii tuma”

Fanka iyo suugaantu waa dun xariir ah oo isu haysa bulshada, mar kale qofka iyo nolosha, mar saddexaadna qofka iyo naftiisa. Waa waxa ku dareensiiya in ay noloshu tahay adiga, adiguna aad tahay nolosha!” Sadarradan runta ah waxa ay iga soo raaceen
Buuggii “Aanadii Nageeye”, ee Ibraahim-Hawd

Fanku in uu yahay jiritaanka ummaddaha higil igama saarna caawa,  Nolol aan Fan lahayna waa mushkilad iyo maahsanaan miidhan.  Bulshooyinka fankoodu Qiimeeya waxa ay hayaan tubtii samaha iyo libta. Naftaydaay nasiib umaad helin saddex Axmed iyo sanadka cusub in aad daawato oo aad ku nafisto codadkooda. Manaad soo gaadhin casrigii masrixiyadda ee Maxammedadu Qandiilka ahaayeen[Max’ed Mooge iyo Maxa’ed Axmed Kuluc]. Magool baanad arag iyo Maandeeq oo masraxa gilgilaya. Baxsan iyo Bacalwaan ayaan waagu kuugu baryin gole ay camirteen.  Xilliyadii badhaadhaha badnaa ee  fanku nolosha ka mid ahaa aduunkanba maad joogin, waa gartaa in aad isku canaanato wixii aanad soo gaadhin. Burburkii dawladadii dhexe, wixii ka dambeeyay waxa ku dhacay soomaalida burbur, Qax, iswaa-ummaddeed oo uu kaga lumay halbeegii miisaan! Waxa yu fursad siiyay, qolyo baddan oo u miliqsanayay, fanka iyo suugaanta bulshada, una carab-laalaadinayay xooriyadooda iyo ku beddelifa suugaanta carbeed, keddib lama arag tiyaatar iyo gole murtiyeed oo lagu cawaynayo. Culaysyo nafsaani ah ayaa ku bilaabmay bulshadii fanka jeclayd ee aynu ka dhalanay, Jin dagaagay lagugu sheegyaa, Cilaaj lagu geeyaa! Sinimooyadii Hargeysa, Muqdisho iyo magaalooyinkii mar qudha ayaa nalkoodii damay, dhexdooda inaga oo aan saliga dhigan. Qaarkood dhakhaatiir iyo ganacsiyo dadka lagu baadho ayaa laga furtay. Dhakhtar lagu dabiibo dadka si nafsaddu u soo doogto ayay ahaayeen kolkii hore, hadda se waa boholo xargagan iyo xabaalaha naxariista laga daahay¹.  Waa Qasab in aad ku indho kuulato oo aad ilaashato hoobalka wanaagsan ee maanta, ogsoonoow qof waliba waxa uu nool yahay casrigiisa.

Gu’gaagu ma weynayn nafyahay, kolkii aad la dhaygagtay codka xareedinaya ee Xasan Aadan Samatar iyo heestiisii  “Dhegalaay wax maqal, dhan kalaad ujeedaaye”, baskii ay heestaasi ka baxaysay maalinkaa, dadka iyo dirawalka gaadhigi ba dareenkoodu waa qayirnaa, waxa ay kuula eekaayeen dad xayaadsan oo cirka la maraya heesta, dirawalku shookaanta uu hadba dhan u leexinayo iyo hoonka uu miyuusiga la eeganayo, ayaa shamareer kugu dilayay, dharaartaasi waa maalintii aad maqashay heestii kuugu horraysay, Kolka laga tago heesta calanka oo aad subax walba daaburka dugsiga ka qaado; adiga oo qorraxda sii kululaanaysa dhibsanayaa, ma jirin heeso kale oo aad maqli jirtay. Markii ay kuugu dhawayd in aad Hobollada iyo heesahaba kala barato caruurnimadaadii waa goortii ay HOOYO soo gaday rikoodh “Badhan-case” ah oo xilligaa qaali ahaa, laba cisho ka diba Tuug gacantii go’day ma xadin rikoodhkii, xiise i beerqaadayay ayaa bohol loo qoday habeenkaasi. Subaxii dambe waa faromadhnaydeen, BBC-dii xaafaddu dhegaysan lahayd iyo heesihii aad u  bu’aysayna waa laga samray, waa macquul isla habeenkiiba in Buqda³ la geeyay oo lagu qaylay RIKOODHKII wacnaa, tuugu in uu dhegaysto oo ku raaxaysto ayay ahayd, balse waa suurogal in aanuu baro lahayn, oo uu baahnaa, waana halkii Maslow ee jaraanjarta baahida kuma jirto, in baahida qofka iyo raaxada qofka la kala horeysiiyo. Saboolnimooy lagu naar!

Kala soocid la’aanta ruuxda Soomaaliga ah  iyo suugaantu waa tu aan biyo iyo baaruudi toona maydhi karin oo la kortay waayahooda nololeed. Soomaalidii horena laba ayuunbay dadka ku sheegi jireen ay wanaag u arkayeen xilligoodaas oo waa kuwii odhan jirey;

“Ama waa wadaad noqo
Waysiyo kitaab siddo
Dadka wananka ka idlee
Ama waa Wabiin noqo
Heeliyo wiglada Tumo.”

Fanku laba dhagax dhexdood buu kasoo baxay, halgan adag baa loo maray, sidii uu bulshada dhexdeeda uga noqon lahaa wax wanaagsan. Xilligaasi qofina ma jeclayn fanka sababta oo ah Soomaalida waa loo bahalo geliyey, sida maanta Minbarada loola taagan yahay fanku waa qudhun, ayuun baa loola taagnaa shalay na.

Xilli ayaa Fanka soo maray RAG mooyee aan Dumar joogin, oo Cumar Dhuule, Jigjigaawi iyo niman tirsani diraca iyo goorgarada masraxa la soo fuuleen.
Fanku xumaan maleh ee shaqsiga ku jira gudihiisa ayaa dalanbaabi ah, taasi oo keentay in dadku kala garan waayaan qofkii iyo fankii. Fanku waa tiir bulsheed oo layska dhex daawado sawir guudna ka bixiya geeddisocodka nololeed. Waa caroog iyo buun loogu baaqo xaqa, laguna bahdilo baadilka.  Inta madaadalo u taqaan iyo inta dhuuxda ee fahanka ujeeddada isku daydaaba waa la nool yihiin.

Dagaalka fanku maaha mid xilli dhaw bilaabmay, Belwadii Cabdi-Sinimo iyo Khadiijo-Belwo bilaabeen, waa mid la kowsadey oo ilaa xiligaa aoo socday. Halganka carabaynta Soomaalida, waxa soo raacay tirtiridda raadadka suugaanta iyo aasaarta. Shirqoolka ugu weyn fanku waxa uu galay maalintii Wadaad-xumaha afka iyo jiritaanka ummadda uu god-daloolada ka helay, Fanaan ismoodka qiyamkii ummadda iyo qaayo-soorkii goleyaasha murtida gawracay. Geeridiisu dharaartii ay soo degdegtay fanka maalintii Cajaladda iyo Organka lagu soo curyaamiyey ee Fanka labeentiisii la waayey. Wahaabiyadu wax kasta oo aanay rabin oo kale Soomaalidii way ka joojiyeen, marka laga reebo jacaylka fanka iyo fannaaniinta. Waxa tusaale nool inoogu filan horaan bishii Julay 2021-ka  in buuggii Maxammed Mooge oo caan ku ahaa, heesaha iyo Kabanka ay ku dhawaad 5000 oo qof in ay isugu timid bandhigga buuggaasi laga soo bandhigayay. Fannaan ku dhawaad 40  sannadood ka hor dhintay, waxa ay dhambaal weyn u dirtay dadka Fannaaniinta iyo heesaaga gaasira, ee Wadaaddadu ugu horreeyaan.

********

Diinta iyo fanku maba kala fogee aan tiigsado maalin kale oo Siciid Saalax inoo sheegay in hawl kasta oo la qabanayo lagu bilaabo Magaca ilaahay.

“Ambaqaadka geediga
Waxa lagu aloosaa
Magac eebaheeniyo
Adin iyo af wada jira.”

Axmed Saleebaan Bidde laftarkiisu isaga oo Maxamed Mooge iabankiisa inoo soo dhex maraya saw ma odhan:-

“Ifka waxaad la joogtaa
Jannaduu ku geeyaa
Ama se naarta jahanama.”

Cabdi Qays suufigii iyo suugaanyahankii sabannadii tagay isaga oo noolaha ku boorrinaya Qafuuru raxiimka qofkii isku dhiibaa inaanu surmo-seegayn miyaanu lahayn:-

“Ma dheeliyo Adoonkii
Dhanka uu ujeestaba
Ilaahay isku dhiibe’e.”

Isbedelka maalmaha iyo xilliyada guuraynayaa ilaahay waxa uu ku sheeggay quraankiisa oo waxa uu yidhi:- “Dadka waanu iskugu badalnaa ayaamaha”.  Ibraahim Gadhle isaga oo ka shidaal qaadanaya aayaddaasi sawkii inoo lahaa:-

“Waqtigu waa is daba socdaa
Adoo degganaa abaar
Marbuu dirir kuu curtaayo
Xareed ku dabaalataa”

Kolal badan shirkiga iyo Faalalowga oo uu eebbe xarrimay, ayay Fanaaniintu dhibtiisa inoo sheegaan oo waaba tii hees Xasan Ganay midhaheeda lahaa ahayd:-

“Fooxlaha islaamaha
Faraqoodabaadhe
Fasaqaaye diintee
Waar ma faaliyaad tahay”

Kolal badan hees faneeda Soomaalidu waxa ay xambaarta oo si kooban inoogu sheegtaa dhacdooyin sooyaal ah oo Islaamku leeyahay oo xaqiiqo ah. Cabdi-Qays ayaaba ka mid ah Suugaanyahannada sida kooban inoogu soo dhiraandhiriyay:

“Abubakar Sidiiqoow
Cusmaan binu cafaanoow
Cumar binu khadaaboow
Caalimiinta diintee
Caabiyay kufaartoow
Waad Culustihiine
Awliyo alaay adeeg”

Bal garo haddaba fannaanka sidaa u garasho dheeraa, ayaa qunyar lagu odhan Jaahil qudhun walaaqanaya ayuu ahaa.

Masalooyin cilmi ah ayaa dhex kambadhuudha, haddeerna ay tahay in lagu saleeyo sidaa carabtu suugaantoodu ba ay u qaado, hidaha, aqoonta ito funuunta kala duwan ee culuumta ay dhigtaan, taas oo ilmaha u sahlaysa xifdinta iyo dhugmo u yeelashada cilmiga. hees-faneeda miyuusiga leh ee casriga waxaana ka mid ah hees ay Magool ku luuqayso oo si toos ah u macnaynaysa, aragti Bayoolaji ah oo ku jirta cutubka barashada dhirta [Plants] oo odhanaysa:-

“Dhirta xididka hoosaa
Dhulka loogu jooje
Way dhici lahaayeen
Dhismahooda weeye.”

Xasan Daahir Ismaaciil Bookh “Weedhsame” marar kale isaga oo nolosheena ka warramaya tusaale ahaan u soo qaadanayo Awr haamo sida, waa kii tusaalaha Isleegta[equation] ah ina siiyay.

“Haamaha awrkaasi sido
Isleegbuu kula hinqaday.”

Tadawurka iyo isbedellada aadmigu sameeyay ee dugsiyada Tacliinta laynoogu dhigo, mudooyinka dambe saw ma ogid in Heesaageenu xilli hore meerisyo ku koobay aragtidaasi [Human Revolution]

“Taariikhdu waa mudan
Waa jire markhaati le
Marbay ahayd aduunyadu
Mugdi lagu halaabo
Dadku ay magansado
Ka tashaday miiradkii.”

Marar kale suugaanyahankii Soomaalida ee xilliyadii toddobaatannadii siyaasaddii Bariga dhexe kor iyo hoosba waa ula socdeen oo labadii garab midkood ayay taabaceen oo jaamacaddii Carabta iyo aragtidii waddamada Islaamku ka qabeen Yahuudda, ayay hiil u muujiyeen oo Cali-Gaab waa kii heesta Xasan Aadan qaado ee Bari-Dhexe ku lahaa

“Bari dhexe intuu tago
Israaiil ma boodeen
Birta kuma afaysteen
Waa boqol Yuhuuduye
Ragbaa biirinaayo
Baarka u fidhaaye.”

Suugaanta Soomaalida gaar ahaan qarnigii tagay, Hees-Faneeddu  shamac ayay u noqotay Xornimada wadamada  Afrika; kolka aad daymooto sida halabuurka Soomaalida iyo hobolladuba u la socdeen, waad ka mabsuudaysaa sida wacyigoodu u sarreeyay iyada oo aan dunida sida maanta oo kale iskugu furnayn.

Kontomeeyadii fanku waxa uu noqday mid si rasmi ah oo lagu dagaal galo. Darbuuggada, Cuudka iyo codka ayaa dhimbiil ku noqday gumaystihii doolka ahaa ee dhulka Soomaalida yimid. Cabdilaahi Qarshe oo walaalaha Hargeysa ka mid ahaa waxa uu kow ka ahaa, Hobolladii Qoriga dabka leh kala hor tagey Gumeysiga, waa kii lahaa isagoo turjumaya dareenka bulshada xornimodoonka, heesta Socodkii Arraweelo ee  hadda BBC-da furitaanka u ah midhaheedana ay kamid yihiin:-

“Dadkaa dhawaaqayaa
Dhulkooda doonayaa
Haday u dhiidhiyeen
Alahayoow u dhiib.”

Xilliyadii xornimo-udirirka iyo waqtiyadii ka dambeeyayba hoobalka iyo halabuurka Soomaalidu waxa uu la dareen ahaa Afrikada kale ee aynu ka tirsanahay:

“Madowgaaga kaan rabin
Muuqaagii kii Neceb
Tiisana ha meel marin”

Bulshadu Soomaalidu maadamaa oo xilli dhaw aqoon-barashadoodu bilaabantay, in buugta iyo qalinka la qaato fanku kama madhnayn oo Cabdilahi Qarshe waa kii lahaa:

“Aqoon La’aan waa
Iftiin La’aane
Waa aafo iyo
Ilays la’aana
Ogaaada Walaal
Oo aada dugsiyada walaalayaal”

Xasan Sheekh Muumin ayaa isna Hees Maxamed Mooge Liiban qaado, ku booriyey  dugsiyada cilmiga iyo barayaashaba;

“Waagii beryaba
Ubax laga waraabshoo
Waxaan ku warwaraynaa
Wadankiina wax ubarta
Oo xambaara waajibkiisa”

I maqal fannaankaygiiyoow, fanku waa Shamac bulshadu wada leedahay oo garabaha laga dugsado, diirimaadkiisa.
Bal u fiirso hobolladii fanka la soo dabaashay ee buur iyo banaanba kala soo baxay.  Keliya fanku hiwaayadooda ayuun buu ahaa ee shaqo kama ay dhigan jirin. Maxamed Yuusuf iyo Basbaas ayaa tusaale nool inoogu filan, niman xoolodhaqato ah fankana ku jira ayay ahaayeen.  Maxamed Cumar Dalxa aqoonyahan ilaa hadda isaga oo Xildhibaan ah fanka ku jira weeye shaqo uma noqon fanku.

Maxamed Aadan Dacar Dawaarle suuqyada Hargeysa harqaan ku haysta, nolosha faneedna aan ka madhnayn ayaa uu ahaa.

Maxamed Mooge isaga oo kabankiisii Deddagooye tunka ku sita, ayaa uu gacanta kale tabaashiirta iyo buugga ku mintiday,oo uu uga gudbay halgan afeed iyo dagaal oo jabhaddihii SSDF iyo SNM-ba uu ugu biiray, duurkana u galay; taasi oo ugu dambayn sababaysatay inuu wadku haleelo gacan ka gardarani goyso.

Ogoow fanaankaygoow, ma fududa dunida kale fanaan malyamaad shacbiyad ah haystaa, in uu la talin jaangooya waxsoosaarkiisa iyo hadalkiisaba yeelan waayo.  Marar badan hobolladeenu gefaf waaweyn oo ay ku lumiyaan shacbiyadooda ayay ku hadaaqaan. BK ayaa tusaale nool inoo ah, Sharmo-Boy oo kamid dhalinta Raabarka kuwooda ugu wanaagsan jid cusub oo faneed oo jiilkan maanta ahna jeexay, ayaa kow ka ah, dadka u baahan latalin uu ku haysto sumcadiisaa faneed oo dhaqan, rajiim taageerid iyo Qiyam bulsheed ilaalin ba ah, falalkaas oo haddii fankiisa laga dhadhansado sumcadiisa hoos u ridi karta, bulsho badana tareenkiisa ka dejin karta. magac in la helaa marar badan waa mid biyo kabasho ka fudud, Samaan iyo xumaanba! balse waxa adag sidii looga jiri lahaa, sunta iyo waabayda geegaalida ah ee qofku iska dhawri lahaa. Magac in la sameeyo in la ilaaiyo ayaa ka culus, fanaanka Soomaaliga inta badan bulshadiisa uu u heesayo uma eeka, mararka qaar waxaabad moodaa in aanu iyaga matalin. Dhibta ugu weyn ee haysataa, waa in aanay haysan la talin waxsoosaarkooda ka war haysa, liidnimada, golekafuulka iyo degdeggaba ka ilaalisa, sidii uu darbiga ugu  ahaa; Rashiid-Gadhweyne Hadraawi waa in aad musdambeed heshaan ninkan iyo cidda la midka ahiba. Shacbiyad weyn ayaa kaga lunta dhaqannada heesahooda iyo dhaqdhaqaaqoodaba.

Nimaan dhididin ma helo dheefe i maqal fanaankaygoow, ku dayda oo jidkooda qaada lodadka dambe ee ay ka midka yihiin :- Xamda Bilan, Asma Loof, Hibaaq Gobaad iyo Cali-Saki oo dhammaantood hirgeliyey ganacsiyo  hanaqaaday waa tusaale nool, waa kuwo aan lugta uga xidhnayn fanka oo keli ah noloshooda. Ku taamilo qaata bulshadiinu kolka xooga tihiin ee xaragada la tiicaysaan waa idiin sacabo-tumaan, balse kolka aad laciiftaan dad kooban mooyee abaalkiinii ma heshaane. Baahidu waa gun, ogsoonaada dunida awood dhaqaale in aad ku yeelataan oo aan baahidiina laga faa’ideysan.

Nolosha way baalal badan tahay ee koobnida iska daaya, barta laamaha kala duwan ee aqoonta si aad u difaacataan Fankiina. Masraxyada laga heeso, masaajida iyo meelaha wanaagsan oo dhan ruuxdiinu haku xidhnaato, noqda oo sifooyinkiisa yeesha Maki Xaaji Banaadir oo hoobal iyo mu’adin muddo dheer ka ahaa, masaajida Muqdisho. Anshaxa wanaagsan iyo qiyamkiina dhawrta oo dhidibada u aasa aragtida xorta ah. Carshiga sare iyo idinka yaa laydin kale turjumin.

Fanaankaygoow nolosha Soomaalida maantu waa dalanbaabi darbi ku soo dumay, halgan bay rabaan aan fadhi kudirir iyo hadaltiro midkoodna ku imanayn. Codkaagu saboolka hiil buu u noqon karaa, waan ogahay ma jeclidiin wax kasta oo idin danqaabi kara.   Maalin kasta waxa aan is weydiiya hoobalkaagu ma halgami karaa, isaga oo ka shidaal qaadanaya qadiyadiisa dhuleed ee cadawgu ku meersan yahay? miyaydiin sidii dhalinyartii African-American ahaa iyo kuwii kereebiyaanku ee isdhexgalkoodii dhaqan bulsheed uu ku abuurmay Raabka “HIP HOP” 1970, aydaann fankiina ka dhigi karin mid sidooda caroog u noqda dhalinyarta xaqoodii la duudsiiyay sabab goobta ay la yimaadeen ama midabka ay leeyihiin ah, kuwa la haybsooco, kuwa la liido iyo dadka ku nool dabaqada nololeed ee hooseysa, kaas oo ay hogaaminayeen DJ kool herc, DJ Disco wiz, iyo Grandmaster flsh, oo saldhigiisa iyo sababta bilowgiisaba uu yahay halgan.
Maxaa inoo diidey, fan tabtaas ah? 
Miyaa laydinka waayay mid iyo Laba sida fanaaniinta reer Kuushka oo kale ah, nolosha bulshadiisa u halgama! Haajaaluugii Oromada baraarugeeda awoodda geliyay miyaad ka liidataan, isaga oo raaxaysan kara?
Haddii aad i odhan lahayd isku duruufo nololeed ma nihin, wiilkaasi Oromo ee HAJAALU oo khilaafyo dhalasho iyo tabashooyin teena ka gundheer ayaa uu ummaddiisa ugu halgamayey, kuwa la mid ah oo cadaalad-darro, biyo la’aan iyo cidhibxumoba leh, ayaa gondaheena kambadhuudha, dillaaliin aan naxayn baa innaga kala qoqobtay oo boqnaha ina goysay.  Bal u fiirso wiilasha fanaaniinta ah ee Canfarta waa Cali Afrika iyo Yaasiin Baraxle sida ay ugu goodinayaan qabsashada dhulkeenii iyo taageerada tolkooda xasuuqa ka gaystay Garba-Ciise, innaguna weli aynu garaacayno xadhkaha tamashlaha, ammaanta iyo guulwadaynta maamullada aynu hoos joogno. Haddii aad bulshadiina la halgantaan sharaf baad la dhiman doontaan, sidii Saado Cali Warsame, Luxudka waydun qaban doontaa weliba hurdo raaxo leh ayaydun geli doontaa.

Dhamaad.

W/Q Jamaal Ibraahim dasuuqi