Beesha Caalamka oo baaq degdeg ah u diray dhinacyada siyaasadda Somaliland

Berberanews-Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen caawa waddamada beesha caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka oo kala ah Midowga Yurub yo dalalka Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden iyo United Kingdom, waxa ay walaac weyn ka muujiyeen muddaharaadka rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Hargeysa maanta, waxaanay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo ugu baaqeen inay is xakameeyaan.

“Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee la socda geeddi-socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland waxa ay si wayn uga wallaacsan yihiin dhacdooyinka gacan-ka-hadalka ah ee bilaabmay xilli uu maanta ka dhacay Hargeysa muddaharaad siyaasi ah. Waxa aannu ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyadu ay is-xakameeyaan si loo dejiyo xaaladda oo looga hortago waxyeello iyo dhaawac.
Si loo ilaaliyio ammaanka, xasilloonida iyo dimoqraadiyadda Somaliland waxa muhiim ah in dhammaan dhinacyadu ay ka qaybqaataan wada-hadal macno leh oo joogto ah si looga gaadho isku tanaasul mustaqablka, isla markaana loo soo saaro khariirad muddaysan oo lagu heshiiyay oo ku saabsan doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi bayaanka Beesha Caalamku ka soo saareen khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com