Somalia-(Berberanews)-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) iyo La-taliyihii hore ee Madaxweynaha ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.
Fahad ku sharraxay wareysiga oo ka baxay bogga Gaylan Media, oo taageeri jiray dowladdii madaxweyne Farmaajo ee uu xuddunta u ahaa Fahad Yaasiin, waxa uu ku sheegay waxyaabo ka mid ah noloshiisa.
Muxuu u aamusnaan jiray Fahad?
Waraysiga lagu hadal hayo baraha bulshada waxa uu ku sharraxay sababta uu ugu caan baxay inuu ahaan jiray qof aamusan.
“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay.
“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba,” ayuu yidhi.
Kiiska Ikraan Tahliil
Mid ka mid ah arrimaha ugu waawayn ee Fahad lagu xasuusto waa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ilaa haddana aan la ogayn halka ay ku maqan tahay. Warbixin kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in gabadhan oo dhallinyaro ahayd ay dileen Al-Shabaab, inkastoo kooxdaas ay beenisay inay ku lug lahayd dilkeeda.
Bishii January ee sanadkan 2022-ka ayuu markii ugu horeysay Fahad Yaasiin ka hadlay hawlaha NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay, kaddib markii uu daabacay maqaal nuqul ka mid ah ay BBC-da heshay.
Hase yeeshee maqaalkaas Fahad kuma uusan soo hadal qaadin dhimashadii Ikraan Tahliil oo isaga shaqsi ahaan lagu eedeeyay, ayna jireen dacwado ka dhan oo maxkamadaha loo gudbiyay.
Dad badan ayaa wareysiyada uu Fahad bixiyo u xiisaynaya si ay u ogaadaan inuu jawaab ka bixiyo su’aalaha badan ee ku gadaaman kiiska Ikraan Tahliil.