Ethiopia: 35 Carruura oo nafaqo darro u dhintay todobaad gudihii Gobolka Canfarta

Ethiopia-(Berberanews)-MSF MSF waxa ay sheegtay in afar jeer ay ku aragtay carruurta nafaqo-xumada hayso marka loo eego sannadkii hore tirada carruurta ay hayso nafaqo-xumada Canfarta.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in ay arkayso calaamado muujinaya dhibaato cunto oo sii kordhaysa gobolka Canfarta ee woqooyi-bari ee Itoobiya.

Dhulkan oo xuduud la leh Tigreega ay dagaalladu aafeeyeen ayaa waxaa kusoo qul qulaya dad ka soo qaxay colaadihii u dambeeyay – qaarkood waxay ku socdaalayeen lug muddo bil ka badan si ay ammaan u helaan.

Ururka ayaa sheegay in boqollaal kun oo qof ay ku nool yihiin nolol la’aan sida daryeel caafimaad iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

Waxay intaas ku dartay in tobanaan caruur ah ay u dhinteen nafaqo darro aad u daran.

Toddobaadyadii la soo dhaafay 35 carruur ah ayaa dhintay, kuwaas oo intooda badan 48 saacadood gudahood la dhigay cusbitaalka. “Laba maalmood gudaheed, waxaan aragnay 41 caruur ah oo la dhigay qaybta carruurta ee caabuqa caloosha oo aad u daran, sababtoo ah dadka waxaa lagu qasbay inay ka cabbaan barkadaha dhoobada ah,” ayuu yidhi Raphael Veicht, isuduwaha xaaladaha degdegga ah ee MSF ee caasimadda Itoobiya, Addis Ababa.

Sanadkan MSF waxa ay aragtey afar laab tirada carruurta nafaqo-xumada hayso marka loo eego kuwii u dambeeyey.

Hay’adda samafalka ayaa sheegtay inay ku baaqayso faragelin degdeg ah oo ka timaada bulshada bini’aadantinimada.

MSF waxa ay sheegtay in dhibaatada ay shaqaalaheedu ku arkayaan Canfarta ay u baahan yihiin jawaab degdeg ah.

Sida laga soo xigtay ururka, kaliya 20% nidaamka daryeelka caafimaadka ee gobolkan ayaa shaqeeya. Iyadoo ay socdaan qorshayaal lagu kordhinayo awoodda cusbitaalka, MSF waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in tallaabo degdeg ah laga qaado si looga hortago dhibaato soo fool leh oo aan ahayn Canfarta oo keliya, balse guud ahaan dalka.