Maalintii Khamiista June 9, 2022 saacada Washington D.C markii ay ahayd 0930 subaxnimo ayaa waxa Capitol Hill soo buixiyey 100 Senator ah Odayaasha Aqalka Sare oo laga soo doorto 50ka gobol ee Maraykanka, si ay u ansixiyaan Somaliland Partnership Act ama Xeerka Iskaashiga Somaliland.
Isla wakhtigaas June 9, ayaa waxa hoolka Capitol Hill ku sugnaa sharci- sameeyayaasha Maraykanka, kuwaas oo leh awooda ugu saraysa ee sharciyada arimaha dibada Maraykanka, iyaga oo ka tirsan Legislative Branch of the United States ama Laanta Sharci- Dajinta Maraykanka, kuwaas oo la sheegay in ay u janjeedheen madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Hoolka Capitol Hill ayaa waxa ku sugnaa qareeno awood leh iyo koox labaad oo ka soo horjeedda aqoonsiga Somaliland.
MAXAA DHACAY JUNE 9?
Koongreeska Maraykanka waxa ay daciifiyeen awoodda biilka, taas oo Afka- Ingariiska lagu yidhaahdo ” Watered Down”.In la daciifiyo biilka s- 3861 ma aha mid u wanaagsan Jamhuuriyada Somaliland, waxana taas ay keentay daciifinta aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland. .Laakiin inta aanan u gudbin qoraalka labaad, mid baa muhiim ah in caalamka ay ogaadaan.Heshiiska wax wadaqabsiga Maraykanka iyo Somaliland waxa uu u soo dhawyahay sida fogaanshiiyaha u dhaxeeya gacanta cuntada lagu qaado iyo afka bani- aadanka.
WQ Axmed Adan