Sucuudiga oo qaaday shuruudo hore loogu xidhay Xujaajta

Sucuudiga-(Berberanews)-Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegtay in hadda ka dib aan loo baahan doonin in la xidho afxidhka taas oo sii fududeyneysa xayiraadaha fayraska corona ee la xidhiidha Xajka bisha soo socota.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Boqortooyada Sacuudiga ay isku diyaarineyso soo dhaweynta ku dhowaad ​​850,000 qof oo Xujey ah oo ka imaanaya dalka dibadiisa si ay uga qeyb qaataan gudashada acmaasha xajka.

Dufcaddii ugu horreysay ee xujeyda ajnabiga ah ee timaadda Sacuudiga tan iyo intii uu bilowday xanuunka Covid-19 ayaa toddobaadkii hore soo gaadhay Sacuudiga kuwaas oo ka yimid Indonesia.

Afxidhka ayaa wali laga doonayaa in lagu xirto gudaha Masjidka Xaramka ee Maka oo ku hareereysan Kacbada, halkaasoo ay Muslimiintu ku tukadaan, iyo Masjidka Nabiga ee Madiina, oo uu Nebi Muxamed NNKH ku aasan yahay, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Isniintii Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Marka laga soo tago shuruudahaas, “afxidhka haatan loogama baahna in lagu xidho goobaha kale ee xidhan”, in kasta oo milkiilayaasha xarumaha ay ku adkeysan karaan in la xidho afxidhka”, ayay lagu yidhi warbixinta.

Boqortooyada sidoo kale haatan dadka ugama baahna inay keenaan caddaynta tallaalka marka ay raadinayaan codsiyada gelitaanka meelaha xidhan.

Faafida Covid-19 ayaa si weyn u hakisay gudashada xajka Muslimiinta, waxayna Sacuudiga u ahaayeen il dhaqaale oo aad muhiim ah, waxaana lagu qiyaasaa inay ka helaan lacag dhan $12 bilyan sanadkiiba.

Mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waa in xajka ay gudan karaan dhammaan dadka Muslimiinta ah ee wax haysta ugu yaraan hal mar noloshooda. Martigelinta xajka waa arrin sharaf u ah madaxda Sucuudiga.

Sannadkii 2021, faafitaanka fayraska corona wuxuu ku qasbay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay si weyn hoos ugu dhigaan tirada xujeyda sannadkii labaad, waxaana ka qayb qaatay 60,000 oo muwaadiniin ah oo si buuxda loo tallaalay.

@bbc Somali