W/Q: Xuseen Aadan Cige (Deyr).
Hannaankii dimoqraadiyadda ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ambaqaaday muddo ah labaatan sanno ka hor, waxa haatan ka muuqda dayac iyo dib-u-dhac baahsan. Ujeeddada ugu muhiimsan ee aynu u samaysannay Xisbiyada Siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah waxay ahayd in aynu kaga baxno qabyaaladda iyo in ay bulshadeenu ka xoroobaan in la isku doorto reernimo iyo qabiil.
Labaatan sanno kadib, nasiib-darro waxa muuqato in nidaamkii dimoqraadiyadda iyo xisbiyada badan ay ka leexdeen ujeeddadii laga lahaa. Waxa muuqata in ay isku milmeen nidaamka dimoqraadiyadda iyo kii qabiilku, taasina waxay keentay in uu hoos u dhaco dareen-wadareedkii ummadnimo ee midayn lahaa bulsho isku dan ah.
Xisbiyada siyaasaddu, halkii ay dhiirrigelin lahaayeen afkaarta xorta ah ee codbixiyeyaasha iyo geeddi-socodka curdinka ah ee hannaanka dimoqraadiyadda, waxa muuqata in ay sii kobciyeen qabyaaladdii, bulshadii Somaliland-na ay u kala qaybiyeen reero iska soo horjeeda.
Nasiib-darro siyaasiyiinta Somaliland ee haatan joogaa ma laha aragti iyo hadaf ka durugsan KURSIGA u muuqda ee uu mid walba doonayo in uu markiisa ku fadhiisto.
Way adag tahay in aad aragto nin siyaasi ah oo damac leh oo ay qarannimadu u tahay halbeegga rasmiga ah ee uu ku hagayo bulshadiisa. Ragga maanta bulshada hor boodaya, mid walba qabiilka iyo reernimada ayaa u ah min-qiyaaska ugu dambeeya ee uu ku go’aan qaato.
Guud ahaannba siyaasiyiinta Somaliland waxa ka maqan bisaylkii iyo aragtidii siyaasadeed ee Qaran lagu dhisi lahaa, bulsho kala qaybsana lagu midayn lahaa.
Siyaasiyiinta damaca leh ee ay haatan hadalladooda xanafta leh ka bateen dhegeha iyo indhaha bulshada; ma jiro mid keliya oo si fudud oo bilaa turxaan ah ummadda Somaliland ugu fasiri kara, tusaale ahaan:
1. Waxa ummad ahaan inoo qabsoomay 31 sanno.
2. Waxa innaga qabyoobay.
3. Sidii aynu u dhammaystiran lahayn wixii aynu ka gaabinay 31-kaa sanno,
4. Sidii aynu u ilaashan lahayn wixii aynu qabsannay,
5. Hadafka iyo hiigsiga isaga u astaysan iyo halka uu la rabo Qaranka Somaliland.
Siyaasiyiinta INDHOW-GARADKA ah ee bulshada wareeriyey, ogsoonow iskuma haystaan kooda ummadda u wanaagsan, laakiin waxay isku haystaan dan gaar ah oo ay leeyihiin oo iyaga ka dhexaysa.
Nasiib-darro bulshadeennu isma weydiiyaan: Yaa inoo dan ah? Yeynu danta ummaddeenna maanta ku halayn karnaa oo innaga saari kara marxaladahan adag?
Haddaba, bal aynu is weydiinee NIN AAD KU DOORATAY QABYAALAD, SIDEED UGA DOONI KARTAA QARANNIMO?!