Golaha Wakiillada oo kala diray Komishankii Tamarta Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray go’aan uu ku kala diray Komishankii Tamarta Qaranka, iyagoo sheegay in magacaabistoodu sharciga khilaafsan tahay.

Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo uu shirguddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Cali Xaamud Jibriil, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalilnad in uu soo magacaabo xubno cusub oo noqda Komishanka Tamarta Qaranka.

Tallaabada Golaha Wakiilladu qaaday, ayaa ku soo beegmantay xilli dhowaan ay Komishanka Tamarta Qaranka uu joojiyey qiimo kordhin ay sameeyeen shirkadaha laydhka Somaliland, arrintaasi oo khilaaf ka dhex abuurtay Komishanka iyo shirkadaha korontada.