Xogta: Ciidamo Maraykan ah oo la wareegay ammaanka Madaarka Berbera

Berbera-(Berberanews)-Ciidammo ka socda Dowladda Maraykanka ayaa si buuxda ula wareegay gebi ahaanba
Ammaanka Madaarka Berbera.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, balse ilo wareed shebekedda Berberanews heshay, ayaa xaqiijiyay ciidammada Maraykanka ee shalay la wareegay Madaarka Berbera.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhowr diyaaradood oo kuwa ciidammada ahi shalay ka degeen Madaarka Berbera, Kuwaas oo siday boqollaal qof shaqaale ajnebi ah oo intooda badan yihiin Hindi iyo Eeshiyaan Kuwaas oo qandaraas lagu siiyey inay muddo kooban ku dhisaan dhismeyaal badan oo ciidanka Mareykanka degi doonaan.

Dhammaan shaqaalihii reer Somaliland ee madaarka ka hawlgalayey waa laga saaray iyo Masuulkii Imaaraadka u joogay Madaarka Berbera oo isna dalkiisii ku laabtay.

Shaqaalaha reer Somaliland ee madaarka ka shaqaynayey dhammaantood waxa lagu wargeliyay in 12 maalmood oo shalay ka bilaabma ay fasax yihiin.

Muddadaas 12ka casho ah cid  Madaarka ma jiri doonto cid geli kartaa.

Sidoo kale maanta waxa Madaarka Berbera ku degay diyaarado tiro badan Maraykanku leeyahay oo siday qalab millateri fara badan oo aan wax xog ah laga hayn waxa uu yahay, maadaama gelista Madaarka la mamnuucay.

Dhinaca kale markab aad u weyn oo alaabooyin u sida ciidammada Maraykanka ayaa Dekedda Berbera ku soo xidhan doona 7da bishan July.

Berberanews.com