Afrika-(Berberanews)-Xuquuqul Insaanka haweeney heer sare ah oo u dhalatay Zambia ayaa lagu xad-gudbay ka dib markii la marsiiyay imtixaanka u qalmida jinsiga ka hor Koobka Qaramada Afrika ee Haweenka (Wafcon), Human Rights Watch ayaa sidaas sheegtay.
Barbra Banda ayaa laga saaray tartanka, kaasoo hadda ka socda dalka Morocco. “Nidaamka tijaabada galmada ee noocan oo kale ah waa xadgudubyo muuqda oo xuquuqul insaanka sababtoo ah waa dhaleeceyn, fikrado qaldan iyo takoor,” Human Rights Watch ayaa tidhi.
Toddobaadkii hore, Andrew Kamanga, oo ah madaxa xidhiidhka FA-ga Zambia ayaa yidhi: “Dhammaan ciyaartoyda waxay ku qasbanaadeen inay maraan xaqiijinta jinsiga, shuruudda Caf, nasiib darro ma aysan buuxin shuruudaha ay Caf dejisay.”
“Waa wax laga xumaado in aan isku aragno in aan galeyno tartanka iyada oo ay maqan yihiin ciyaartoydayada ugu fiican.”
Human Rights Watch ayaa ugu baaqday maamulka kubbadda cagta adduunka inay wax ka beddelaan habraacyadooda.
Arrimo la mid ah ayaa saameeyay Orodyahanka Koonfur Afrika Cater Semenya, taasoo guddiga maamula ciyaaraha fudud ay ka mamnuuceen tartanka masaafada 800m ee ay door bidaysay.
Sannadkii hore, laba dhallinyaro Namibia ah, Christine Mboma iyo Beatrice Masilingi, ayaa lagu qasbay inay ka tagaan tartanka 400m toddobaad ka hor Olombikada Tokyo ka dib markii lagu wargeliyay heerarka tijaabada jinsiga oo sarreeya.