Midowga Afrika oo codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya

Addis Ababa  -(Berberanews)- Guddiga Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay in cunaqabataynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya.
Guddiga oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in aan Al-shabaab laga guulaysan karin haddii aanay ciidamamda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS helin hub casri ah oo ku filan oo ay kula dagaallamaan kooxdaas.

Guddoomiyaha Guddida Amniga Midowga Afrika, Cabdi Maxamed Haybe, ayaa sheegay inay Qarammada Midoobay u gudbiyeen codsi ah sidii hub loo siin lahaa ciidammada Soomaaliya iyo kuwa kale ee Midowga Afrika.

“Marka ninka aad la dagaallamaysid aad isku hub tihiin, lama kala adkaanayo. Waa ijiid aan ku jiidee, dadkiina way sii dhammaanayaan, guulna la gaadhi maayo. Marka waa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta ama laga khafiifiyo,” ayuu yidhi Mr Haybe.

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa sannadkii hore kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyagoo sheegay ama aaminsan in weli hub sharci-darro ah la galiyo dalkaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dhowaan Midowga Afrika in laga qaado cuqabataynta hubka ee saaran.