Xisbiyada Mucaaridka waxay u fahmeen mar hadii KDQ aanu soo hadal qaadin doorashadii ururada in macneheedu tahay qorshaha uguma jirto waqtigan. Waxa ay ka shaqaynayaana tahay ta Madaxtooyada oo kaliya.
Waana ta keentay inay bogaadiyaan xisbiyada mucaaradka 9 bilood ee KDQ ku dhawaaqay. Balse maalmo kadib arki doonee iyagoo cambaaraynayaa sidii caadada u ahayd.
Soomaalidu waxay tidhaa “waxaan la hurayn horaa loo yeelaa” Somaliland 26 Dec 2022 inta ka horaysa waa in la helo Saddex Xisbi Qaran oo haysta shahaadada Xisbinimo ee 10 ka sano ee soo socda.
Bishuba hortaada ayay imane, Maalinta Gudida Diiwaangalinta Ururada ay KDQ u gudbiyaan liiska Ururada soo gudbay iyo xisbiyada si ay tartan doorasho toosa ugu qabtaan, hayno ahaato.
Wabilahi tawfiiq
Mohamed Gacayte