Xumada Ku jirta dalka iyo Xumada Nooca loomalaynayo.

Dengue fever, dengue fever waa xanuun caan ka ah koonfurta eeshiya iyo laatin ameerika waxa sababa “Virus” ka Loo yaqaano dengue(DENV), waxaana Gudbisa nooc kamida kaneecada oo la idhaa “Aedes aegypti.”

Virus-ka dengue wuxuu leeyahay Afar nooc oo Kala Duwan, waxa uuna qofka ku dhici kara afar mar. xanuunkan ayaa qofka ku keena xumad / qandho saa’ida (38 C iyo wixii ka badan). xanuunkan ayaa haya qofka 2 ilaa 7 to 10  maalmood. Hadaba siday sheegtay haayada xakamaynta iyo ka-hortaga xanuunada ee dalka maraykanka ee marka magaceda lasoo gaabiyo loo yaqaan (CDC), xanuunkan ayaa noqon kara mid daran(severe dengue) labaatankii qofba hal qof, waxaana ka dhalan kara in ay hoos u dhacaan unugyada xinjirawga dhiiga taas oo sababi karta
hadii aanu qofkaasi helin baxnaano caafimaad xubnaha qaar oo fadhiista, dhiig bax gudaha ah ilaa dhimasho.

Astaamaha Xanuunkan( mild)

– madax xanuun.
– Murqaha, laabatoyinka iyo Lafo xanuun.
– Lalabo
– Matag
– Xanuun indhaha Gadaashoda ah.

Astaamaha Daran (severe Dengue symptoms)

– Calool xanuun saa’id ah.
– Matag aaad u badan ( sadex jeer saacadii ama ka badan)
– Ciridka ama sanka Oo dhiiga.
– Dawakhaad badan.
– Daal aad u badan
– Dhiig saxarada ama mataga soo raaca.

Sidee loo daweeya xanunkan ?

Ilaa imika majirto daawo xanuunkan u gaar ah.  Balse qofku waa inuu nasto, biyo badan Ama cabitaan Badan cabo si aanu u fuuq bixin, isla markaana tago goobaha Caafimadka Si talooyin Caafimad loo siiyo. Sidoo kale qofku wuxuu qaadan Karaa Xanuun Jabiyaasha sida paracetamol / acetaminophen si uu ay uga yaraato lafa garaaca iyo muruq xanuunku. 

Ka hortaga

– ka fogow meel waliba Oo aad Isledahay Kaneeco ayaa Kugu qaniini karta.
– Isticmaal sunta la Buufiyo ee kaneecada, xidho marakaneeco /sinsiyeeri.
– Xidho maro daboolaysa jidhkaaga Sida gacmaha Iyo lugaha.
– Dhig qashinka maalinlaha usoo baxa meel ku haboon kana dheere meel biyo fadhiyaan.
– Sido kale nadiifinta iyo daboolista meelaha biyaha laga cabo sida barkadaha,  ayaa ka qayb qaadan karta ka hortaga xanuunkan. .

WHO . CDC

WQ DR ESSE JAMA

WAA IN BULSHADA LA WACYIGALIYAA…