SOMALILAND:  MA XEER IYO DASTUUR KALIYA AYAA MURANKA SIYAASADEED LAGU XALIYAA ?

Waa su’aal aad la isku weydiinayey xiliyadani uu taagnaa khilaafkii siyaasadeed ee ubucdiisu ahayd muranka doorashooyinka dalka , kaasi oo sharcigii dalka koox waliba ula kacday dhinacii ay dooneysay.

Haddaba sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 1aad hanaanka siyaasadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku dhisan yahay ;

Nabad

Talowadaag

Dimuqaradiyad &

Hanaanka xisbiyada badan.

Inaga oo ka duuleyna qodobkani ayaa uu sax yahay wax walba oo lagu dhameyn karo muruga iyo muranada sharci sida talowadaag ama wadatashi ( consensus) oo is faham laga gaadho in laga heshiiyo waxii la isku hayey , markaa qariib maaha arinkaasi oo wid aynu ku soo dhaqmi jirnay.

YAA KAWADA HADLAYA AMA KAWADA TASHANAYA MARBA MURUGA SIYAASADEED EE TAAGAN ?

Su’aashanina jawaabta aynu ka bixinaa waxa ay mad-madawga ka  saareysaa wax badan oo baryahan dambe loo maaro laayahay .

Haddaba hadii waxa la isku hayaa doorasho yahay waxa kawada hadlaya cidwaliba oo doorashada ka qayb galeysa oo lagala tashanayaa ( stakeholders) oo wax ku yeelanaya talada iyo is-fahamka la rabo in laga gaadho arinka la isku hayo.

Khilaafkii jamhuuriyada Somaliland ka taagnaa mudadii ugu dambaysay waxa uu ahaa laba qaybood oo kala ah ;

1- Qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada & ta ururada siyaasada.

2- Sida ay u kala horeynayaan ama loo kala hoq qabanayo iyo mudnaanta ka qayb galayaasha ( xisbiyada & ururada siyaasada)

Dooda laba xisbi mucaarid ayaa ahayd in doorashada madaxweynuhu in ay xaq u leeyihiin in sadexda xisbi qaran oo kali ahi ka qayb galaan , sidoo kale waxa ay sheegayeen in doorashadani tahay dastuuri ta ururada na xeer jideeyey.

Waa dood jaban sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 22naad faqradiisa 1aad iyo sida ku cad qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 3aad iyo xeerarka lr-91 iyo lr-14 xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland waa dastuuri waliba mudnaanta leh.

Markaa doorashada ururada siyaasadu waa dastuuri ka mudan doorashada madaxweynaha maadaama ay siddo xuquuqda iyo xaqa siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland oo dhan .

URURADA SIYAASADU MA KA QAYB GALI KARAAN DOORASHADA MADAXWEYNAHA?

Ma jiro wax u diidayaa mar hadii laga wada hadlay oo is faham laga gaadhay doorashadii golaha deegaanka iyo doorashadii wakiilada oo la isla gartay in mar lawada qabto , halkaasi waxa meesha lagaga saarey xoogii iyo cududii codka ay ku helayeen ururada siyaasadu oo ahaa doorashada deegaanka.

Markaa maxaa diidaya maadaama la gaadhay 10 kii sanadood, sadexda xisbi xiligoodii sharciga ahaa dhamaaday in ururada siyaasadu ka qayb galaan doorasho kasta oo dalka ka dhaceysa iyaga oo u maraya sifaha dastuurka qodobkiisa 9aad  sheegay.

Dadka qaar ayaa adeegsaday in doorashada uu galayo uun xisbi oo isla qodobka 9aad ee dastuurka faqradiisa 2aad adeegsaday, laakiin faqradani ma sheegayso cida doorasho ka qayb galeysa ee waxa ay xadideysaa axsaabta siyaasada ee dalku yeelanayo in aaney sadex ka badanin.

Doorasho ururo galaan ma jirtaa ama hore ma u jirtay ? Haa doorashooyinkii golaha deegaanka ururada siyaasada ayaa gali jirey ama ururada siyaasada iyo axsaabta siyaasada ayaa wadagali jirey markaa ma jirto doorasho xisbiyo kali ah u xidhani.

Isku soo wada xoori doorashooyinka dalka ku soo fool leh ururada siyaasadu in ay ka qayb galaan qodob ama xeer u diidayaa ma jiro , markaa talada iyo wadatashiga arimaha doorashooyinka xaq bay u leeyihiin.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil