Hargeysa: Aabbe isu deldelay duruuf adduun

“Shalay xaafadda Jig-jiga yar waxaa ka dhacay, nin baa isku del-dalay oo xadhig isku xidhay, waan baadhay oo dadkii baan waraystay bal sababta ka danbaysa inuu is dilo, dadkii xaafaddu waxa ay ii sheegeen in uu ahaa Aabe haysta caruur badan wakhtiguna ku adkaaday.

Waxay ii sheegeen inuu bixin kari waayay lacagtii kirada guriga iyo masaariiftii ciyaalka oo uu noqday qof bilaa camal ah sidaasina uu isku dilay noloshan uu is dhaafiyay”.

Xildhibaan Axmed Dirir oo ka tirsan golaha guurtida somaliland.