Hargeysa (BerberaNews)- Xukuumadda haysa talada Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in Muddo-kordhinta labada sanadood ah ee Madaxweynaha loo sameeyay ay tahay Sharci isla-markaana aan laga noqonayn oo uh Madaxweynuhu dhamaysanayo.
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo Arbacadii maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay inay baal-mareen shuruucda dalka u taalla, taasina khatar ku tahay laftooda.