Madaxweynaha Somaliland oo xilka ka qaaday Masuulliyiin

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xilkii ka qaaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka.

Sidaana waxaa lagu sheegay wareegto ka soo baxday Madaxtooyadda oo u qornayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku  sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Xasan Axmed Aadan
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka


Mudane,

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
        Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

Mudane
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.