Cabdinaasir Macalin Caydiid: Fannaan is dhiibi waayay

WQ. Siciid-Beegsi
Cisbtitaalka Guud ee Hargeysa ayaan galab ku booqday suxufiga suugaanyahanka ah ee Xasan Maxamed Yuusuf. Intii aanan ka tegin baan ka war helay in qol ka Xasan u dhow uu ku jiro Cabdinaasir Macallin Caydiid. Judhiiba jadwalka ayaan ku darsaday fannaankana.

Waxaan la kulmay Cabdinaasir oo ladan. Maya, wuuba sheekaynayay. Fannaaniin da’yar ah, wiilal iyo hablaba leh, ayaa ku hareeraysnaa. Barbaartaasi kolka ay la hadlayaan Cabdinaasir, magaciisa ugu ma ay yeedhayn; waxay u adeegsanayeen erayga macallin. Dhanka kale, waan ka war qabay Cabdinaasir beryahaas in uu agaasimay koox faneed dhallinyaro ah.

Haddaba, dhawr sano ka dib, caawa mar kale ayuu Cabdinaasir dhakhtar jiifaa. Laakiin, nasiibdarro, kolkan xaaladdiisa dalka waxba lagaga ma qaban karo, sida uu xusay walaalkii Mustafe Macallin Caydiid.

Shaacinta xanuunkiisa ka dib, saxaafadda ayaa Mustafe weydiisay kaalinta faneed ee Cabdinaasir. Wuxuu ku jawaabay, “waa macallin.” Daqiiqaddaasba waxaan xusuustay galabtaa hore iyo isla eraygaa uu ku sifeeyay ee macallin.

Waa kuma Cabdinaasir?

Waa muusigyahan qalabyo kala duwan tuma, laxansameeye iyo heesaa. Wuxuu ku dhashay Cadan, 1959. Tacliinta ka dib, Yaman wuxuu kaga shaqeeyay xirfaddiisa makaanignimada; geerash buu Cadan ku lahaa. Fanka, siiba muusigga, wuu jeclaa ilaa yaraantiisii, ha se ahaatee aabbihii baa ka hor taagnaa, oo hadba giitaar ka kala jebin jiray.

Sannadkii 1979 ayay reer Macallin Caydiid ka guureen Cadan oo Hargeysa degeen. Dhawr sano ka dib, Cabdinaasir dalka Gadar buu u dhoofay, 1983.

Markaa uu Gadar tegay buu fursad u helay barashada muusigga. Kaman buu gacanta ku dhigay, macallin buu se waayay. Hadba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaaye, buug buu iibsaday, dabadeed ka akhristay casharrada asaasiga ah ee muusigga. Buuggaas baa fure u noqday, wuxuuna la yimi dedaal iyo kago’naan.

Cabdinaasir saddex sano gudahood buu ku qalinjebiyay. Intii uu Gadar ku sugnaana wuxuu la shaqeeyay fannaaniin reer Soodaan ah, waayo heesaha Carabiga ah buu ku tababartay kolkii hore.

Tumidda heesaha Soomaaliga ah wuxuu ku bilaabay Qaraamiga, sida uu ku warramay. Heesihii ugu horreeyay ee tumiddooda uu isku dayayna waxaynnu ka carrabbaabi karnaa codka Laac. Sidaas oo kale, Soomaalida, hoobal Maxamed Saleebaan Tubeec baa ah fannaankii koowaad ee Cabdinaasir uu kaman u tumo. Barnaamij uu Tubeec Gadar ku qabtay 1985 ayuu Cabdinaasir ka tumay.

Mar kale ayuu Hargeysa yimi 1986. Isla sannadkaas buu ku biiray kooxdii fanka
ee Danan, wuxuuna safka hore ka raacay muusigyahannadii kooxdaas, oo aynnu ka magacdhebi karno Nagiib Xaashi, Maxamed-Alto iyo Cabdi-Yare. Kooxdaas buu ka tirsanaa ilaa 1988. Waxsoosaarkii kooxdaas ee Cabdinaasir kaalinta ku lahaana waxaynnu ka xusi karnaa bandhig faneedkii Axmed Mooge Liibaan ee Muqdisho, 1987.

Cabdinaasir wuxuu tumaa dhawr qalab, sida giitaar, dhexyar, organ iyo kaman. Masraxyadii kooxda Danan, tusaale ahaan, Cabdinaasir waxa lagu xusuustaa giitaarka. Dhanka kale, isla xilliyadaas waxa hirgalay kamankiisa oo lagu maqlay heesaha qaaciga ah. Labadaa ka dib waxa fagaaraha yimi, shaashaddana laga arkay, Cabdinaasir oo dhexyar iyo organ tumaya. Ha se ahaatee waxa si gaar ah loogu bartay kamanka.

Cuudka waxa macallin dadban ugu ahaa, sida uu Cabdinaasir marar kala duwan warbaahinta ka sheegay, Jiim Sheekh Muumin. Gacanta Jiim buu jeclaa, dhegaysan jiray, oo higsan jiray. Si gooni ahna wuxuu ugu dayan jiray heesaha qaaciga ah ee Jiim u garaacay Kinsi Xaaji Aadan. Taasina waxay sababtay in uu ku taamo “tolow mar uun Kinsi maad hor fadhiisan oo maad wax u tumi!” Hammigiisaasi ma beenoobin. Wuxuu is arkay isaga oo Kinsi hor fadhiya, kamankana u tumaya, oo ay ku luuqaynayso, “anna laanta ubaxaa, adaan kuu lululayaa.”

Laga bilaabo 1986 ilaa 1988 waxa soo baxay albannada qaaciga ah ee Cabdinaasir magaca ku kasbaday. Waa heesaha uu u tumay Axmed Gacayte, Aamina Cabdillaahi, Kinsi X Aadan, Axmed Mooge iyo kuwo kale. Sannadkii 1988 wuxuu galay marxalad kale. Waa Cabdinaasir oo duurka ku jira, kamanka iyo qorigana midba gacan ku sita, tabtii Maxamed Mooge. Markanna cuudkiisa waxa lagu xusuusan karaa heesihii guubaabada dagaalka u badnaa ee Raadiyow Halgan iyo hooballadii SNM, sida Rashiid Bullo, Maxamed Yuusuf, Cismaan-Askari iyo Sahra-Halgan.

Waqtigaa halganka, fanka guubaabada ah ka sokow, Cabdinaasir wuxuu lahaa kaalin kale. Waxa lagu tilmaami karaa in uu ahaa dugsi muusig oo duurka ka furan. Mustafe Macallin Caydiid oo maanta ah muusigyahan dhawr qalab tumaa,
metalan, waa ardaydii uu Cabdinaasir xeryihii qaxoontiga iyo faramihii dagaalka wax ku baray.

Kolkii uu halgankaa ka faraxashay, Cabdinaasir wuxuu u jeestay halgan kale. Xilligii dagaalka waxa dumay fankii iyo dhammiba kaabayaashiisii, tabtii daarihii Hargeysiba u dumeen xilligaas. Dagaalku tiyaatar iyo qalabba wuu sahayday. Sidaas oo kale, fannaaniintiina wax dhintay iyo wax debedaha u firxaday bay noqdeen, badiba.

Haddaba Cabdinaasir wuxuu ahaa hormoodkii u guntaday bakhti’afuufka fanka, siiba fanka laayfka ah ee Hargeysaawiga ah, masrax iyo fadhiba. Metalan, wuxuu albanno qaaci iyo qaraamiba leh u garaacay fannaaniin aynnu ka xusi karno Maxamed Axmed Kuluc, Seynab Cige Maxamed, Sahra Cali Xaan, Xuseen Cali Kaahin, Maxamed Nuur Giriig, Sahra Axmed Jaamac, Axmed Maxamed Good “Shinbir” iyo qaar kale. Waxsoosaarkiisuna waa silsilad xidhiidhsan ilaa barnaamijyadiisii u danbeeyay ee Hiddadhawr iyo telefishanka Astaan.

Kaalintiisii macallinimo ayuu haddana ku jiray isla marxaladdanna. Dad Soomaali iyo shisheeyaba leh buu wax baray soona saaray. Waxaynnu ka xusi karnaa labadiisa hablood ee heesaaga ah, Deeqsan iyo Aragsan, iyo gabadha ajnebiga ah, Cristina J. Woolner, ee kamanka uu baray. Tusaale kalena waxa ah casharradiisa duuban ee Yuutuub laga daawan karo, qofkii barashada cuudka danaynayaana ka faa’idaysan karo.

Gebagebo

Laba halgan baa fanka Cabdinaasir Macallin Caydiid u baadisooc ah. Halganka hore waa kii hubaysnaa ee 1988 ilaa 1991 iyo kamankiisii uu duurka la galay. Halganka labaadna waa soo noolaynta fanka. Labada marxaladoodba, fanka Cabdinaasir wuxuu wajahay caqabado waaweyn, laakiin wuu is dhiibi waayay. Taas baana ugu yar sababaha uu TAAKULADA ummaddiisa ku mutaysan karo xilligan uu sariirta saaran yahay.