Wixii ka dambeeyay 27/12/2022 magaalada Laascaanood waxa ay ku jirtay xaalad fowdo ah oo u baahan in wax layska weydiiyo waxaana ka soo baxay sawir si dhaba ah u muujinaaya diidmo iyo mudaharaaddo lagaga soo hor jeedo Somaliland, qadiyadani oo hadda yeelatay waji siyaasadeed oo ka duwan kii ay ku bilaabmatay waa mihiim in wax layska weydiiyo iyada oo laba dhinac aan ka eegi doono.
1- Doorka Xukuumada Somaliland iyo
2- Doorka Garaadadda Sool labadan dhinac oo ah kuwa hadda dheeshu dhextaalo.
1- Intii Madaxweyne Muuse Biixi xilka hayay dawladnimadii Somaliland jid cusub bay qaaday, kaasi oo salka ku haya noociisa hoggaamineed, Madaxweyne Biixi wuxuu qaaday dariiq ah “Dawladayn amar ku dhisan” sidiisaba nidaamka hoggaamiyuhu “leadership style” wuxuu horseedaa in la mahadiyo iyo in lagu halaagmo labadaba.
hadaba haddii aynu eegno qaabkii ay xaaladaha noocan oo kale ah u maarayn jirtay Xukuumada Somaliland wuxuu ahaa mid talo wadaaga oo dhamaan qaybaha bulshada laga qayb galiyo si loo helo maarayn nabad ku dhisan, lagu dhismo oo aan lagu kala tagin, waxa laysugu iman jiray tallo qaran, oo isku tiirsanaan ah xukuumadahii hore waxa ay ka qayb galin jireen xaajooyinka adag ee tan Laascaanood ka socota oo kale ah; Wakiilada iyo Guurtida, Xisbiyada Qaranka, qaybaha bulshada sida; Salaadiinta, Ururrada bulshada, Culimada, hadda se waxa ay ku kooban tahay Xukuumada oo qudha ” waaxda fulinta”.
Bilowgii xaalada Laascaanood ilaa maanta oo ay taagan tahay marna xukuumadu kumay baaqin wax tallo qaran ah, waaxaana ay ku koobantahay kaliya gollaha Wasiiradda qaar ka mida iyo masuuliyiinta reer Laascaanood. Qorshaha xukuumadaysan ee ay ku waajaheena ilaa hadda xaalada muu dejin ee wax socda sawiro “qaran jab ah” foolxumana ku ah qaranimadda Somaliland 30sanno ka dib in calankii Somaliaya laga taago meel Somaliland ka mid ah.
a) Maxaabiistii ayaa laga sii daayay xabsigii dhexe
b) Baabuurtii oo numberkii dawlada laga furay
c) Calankii oo la dejiyay
d) calankii Somaliya oo la taagay
e) Abaabul bulsheed oo la abuuray kana soo horjeeda Somaliland.
Waxyaabahaasi iyo kuwo kasii badan oo kale intii ay socdeen xukuumadu lamay iman xal ay ku maarayso, cudud dawladeed iyo mid wadahadal siyaasadeed midna.
Dhanka kale Garaadada reer Laascaanood oo badan koodu ka soo hor jeedo Dawladnimada Somaliland, waxa ay ka faa’idaysteen dareenka dadka reer Laascaanood ee ay madax dhaqameedka u yihiin kana gadooday dilalkii qorshaysnaa ee Laascaanood ka dhacay waxaanay dabada ku hayaan siyaasado kala duwan salkana ku haya meelo kala duwan.
Garaadada qaarkood waxa ay sitaan qorshe Maamul goboleed, qaar waxa ay sitaan Ismaamul Madax banaan, qaarna waxa ay sitaan qorshe maamul goboleedka Putland ah, waxa kaliya ee mideeyaana waa dareenka bulshada Laascaanood haddii si caqli ku jiro aanay u fikirina waxa suuro gal ah abaabulkaa qabiilaysan in uu iyaga laftooda ku dhex qarxo, waana ta ay u badan tahay.
Qodobka ilaa hadda soo baxay ee dhamaan Garaadada reer Laascaanood iyo Gudiddii 33 xubnood ahaydna ay ka dhawaajiyeen kuna wadda socdaan waa Ciidanka Somaliland haka baxaan carro dhul bahante ee maaha haka baxaan Sool taasina ma aha mid xukuumada Somalilandna aqbalayso mana aha mid xal ku imanaayo, sidaasi oo ay tahay waxa aynu eegi doonaa sida ay ku maareeyaan qodobkaa xasaasigaa iyo waxa ay ku qanciyaan bulshada reer Laascaanood ee hadda dareenkoodu kacsan yahay.
WQ Nuuradiin Ibraahin Diini