Hargeysa(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimaha uga qorshaysan xukuumadda doorashooyinka dib u dhacay ee Madaxtooyadda iyo Ururrada oo aan si dhab ah loo ogayn xilliga ay dalka qabsoomayaan.
Waxa jira kala duwanaansho u dhexeeya dhinacyada siyaasadda oo aannay isku waafaqsanayn qaabka loo gelayo doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururrada siyaasadda, iyadoo aannu jirin qorshe cad oo laysku waafaqsanyahay oo ay heshiis ku yihiin xukuumadda, Axsaabta qaranka ee mucaaradka iyo Ururrada u taagan inay ka qayb qaataan siyaasadda.
Hase yeeshee, Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii u danbeeyay aan ka hadlin arrimaha doorashooyinka, ayaa maanta kulan lagu soo bandhigay qorshaha qaranka ee sannadaha soo socda, wuxuu ka jeediyay khudbad uu kaa hadlay arrimaha doorashooyinka iyo arrinta dagaalka Laascaanood.
Madaxweyne Biixi oo u muuqday in hadalkiisu jawaab u yahay dhawaaqyada maalmihii u danbeeyay kasoo baxayay hoggaamiyaasha mucaaradka ee xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay in ay khasab tahay in la qabto doorashooyinka, balse wuxuu si cad ugu xoojiyay hadalkiisa in ay lagama maarmaan tahay inay dhinacyadu isla eegaan qaabka loo qabanayo doorashooyinka, iyadoo aan cidna wax gaar ah jiidanayn.
Daawo Madaxweynaha oo ka hadlaya Arrimaha Doorashooyinka