Wadahadalka lala yeeshay Soomaaliya ilaa iminka oo ay fureen Kulmiye waxay inoo gaysatay dhaawac dhinaca xidhiidhka aduunka ah oo waxay joojisay ololhii aqoonsi raadista iyadoo aduunka u muujisay heshiis midnimo iyo is afgarad, haseyeeshee Kulmiye wuxuu ujeedkiisu ahaa in loo furo lacagaha, halka ay Soomaaliya ujeedkeedu ahaa inay aduunka tusto inay Somaliland ogoshay midnimada iyadoo aanay waxba ka fulin wixii lagu heshiiyay.
Hadii aan milicsano sooyaalkii mawqifka madaxdii soo martay Soomaaliya waxay dhamaantood isku raacsanaayeen oo asnay ku kala baydhin inay Somaliland tahay gobolka woqooyi oo aanay ka go’i karin Soomaaliya!. Waxay kaloo dafirsanyin inay laba dal oo kala duwan oo isu tegay ay ahaayeen.
Waxa xusud mudan markii taliskii faashistada ahaa ee Afweyne lagu jebiyay Somaliland ee dabadeedna Xamar laga caydiyay waxa shir lagu qabtay Jabuuti oo lagaga dhawaaqay dowlad iyadoon Somaliland laga talo gelin oo lagu buuxsaday shakhsiyaad asal ahaan kasoo jeeda Somaliland!. Taasi waxay managed madoonto u tahay inay iyagu ku horeeyeen goosashada oo ay keentay inay Somaliland na qaadato go’aan kama dambays ah oo ku dhawaaqdo lasoo noqoshada madaxbanaanideedii ay lumisay 1960.
Waxay marwalba reer Soomaaliya isku raacsanyin aragtidaas inay iyagu yihiin asalka oo Somaliland na ay tahay faraceedi oo ay ka sugayso in wax la siiyo oo aanay xaq u lahayn Somaliland inay aayahooda ka tashadaan.
Caydiid oo dadka reer Somaliland amaanaan kamuu duwanayn aragtida reer Soomaaliya oo mar uu ka hadlay arinta Somaliland wuxuu adeegsaday erayga woqooyi oo wuu iska dhowrayay inuu ku dhawaaqo Somaliland. Wuxuu kaloo yidhi” waa in cabashada woqooyiga sii fiican looga garaabo oo umadu xaqooda” markaa muu ogolayn madaxbanaanideeda .
Waxa xusid mudan inu Caydiid heshiis qarsoodi ah la galay C Tuur markii dalka lasoo galay, kaasoo sheegaya inuu Caydiid madaxweyne noqdo, Tuur na RW iyadoo dowladii Somaliland golayaasheedi aanay ogayn ama aan laga ansaxin taasoo khiyaamo qaran ahayd. Waxa taa dheer inuu Tuur damcay inuu heshiiskaa xoog ku socodsiiyo isagoo Burao iyo Berbera ba dagaal ka riday, isagoo isku dayaya inuu Xamar geeyo, hase yeeshee uma suurto gelin oo Tuur wuxuu dhaafi waayay Berbera oo lagaga adkaaday, dabadeedna markii xukunkii laga wareejiyay wuxuu u cararay Xamar halkaaso uu Caydiid dowlad labaad kaga dhawaaqay la yidhaahdo SAL BALAADH oo Tuur loo magacaabay madaxweyne kuxigeen iyadoon loo magacaabin RW loo balanqaaday. Waxay labadoodu ku heshiiyeen inay mar labaad dagaal kusoo qaadaan Somaliland waqtigii Cigaal si ay dowlada u ridaan oo Xamar ugusoo daraan haseyeeshee way ku fashilmeen mar labaad.
Taasi waxay ku tusaysaa inay reer Soomaliya dhamaantood aaminsanyiin inay iyagu mindida daabkeeda hayaan oo Somaliland ay tahay mustacmarad ay xaq u leeyiin inay xukumaan.
Waxa taa ku saaciday aqoonsiga beenta ah ay gaaladu siiyeen iyadoo u jeedku yahay inaanay Soomaalidu heshiin ee ay xaalad jilicsan ku sugnaato iyadoo loo danaynayo dowladaha jaarka ah ee gaalada ah, gaar ahaan Ethiopia.
Dhamaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya laga bilaabo Calimahdi, Caydiid, C Qaasim, Cabdilaahi Yuusuf, Sheekh Shariif,XSM iyo Farmaajo, waxay ka simanyiin inay aaminsanaayeen inay Somaliland tahay meel ay iyagu xaq u leeyiin inay xukumaan oo ah mustacmarad ay g’aankeeda gacantooda ku jirto iyagoo ku hadaaqaya: WAXAANU TIX GELINAYNAA TABASHADA IYO CABASHADA WALAALAHA WAQOOYI!!?? Qaarkoodna way kasii dhafiyeen intaa oo waxay ku dhawaaqeen in Somaliland xoog lagusoo celiyo siday yeeleen Caydiid iyo Farmaajo !!.
Hadaba guntii iyo gunaanadkii waxa Somaliland madaxdeeda la gudboon inay xidhaan wadahadalada Soomaaliya oo noqday madhalays dhibaato u keenay madaxbanaanida Somaliland oo ay si xor ah u raadiyaan aqoonsigooda oo aanay ku xidhin Soomaaliya, hadii kale arinta aqoonsiga soconmayso oo waxa ku hor taagan wadahadal baa idiin socda!!.
Hadaba su’aasha aad u muhiimka ahi waxay tahay maamulka Kulmiye maka waantoobayaa oo ma xidhayaa wadahadalka uu la yeelanayo Soomaaliya?? Ma joojinayaa inuu ka qaybgalo shirarka ama shirqoolada lagu qabto Jabuuti oo aan ogolayn aqoonsiga Somaliland?.
Jawaabta waxan u daynayaa xukuumada Somaliland ee maanta!.
Abdirazak Ibrahim