Puntland-(Berberanews)-Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kaddibna tooreey ayaa lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan.
Falkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay saygeeda, kaas oo isaga iyo rag kale ay si arxan darro ah u kufsadeen xaaskiisa, kadibna ay ku dhufteen tooreey illaa ay ka dhimato.
Marxuumadda ayaa ka hor inta aan falkaan lagu sameynin, waxaa rag uu horkacayay saygeeda ay ka afduubteen gurigeeda oo kuyaala deegaanka Daarusalaam oo hoostaga degmada Galdogob.
Aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay qaabka uu u dhacay falkaasi, isagoo sheegay in gabadhiisa si xun loogu tooriyeeyay 60 jeer, kaddibna dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray ay u dhimatay markii dambe.
Aabbaha ayaa hadda dalbanaya cadaalad.
Saddex nin oo kamid ah dadkii falkaan wax ka geystay ayaa haatan ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Dhacdadan ayaa dhacday Abriil 19, 2023.
Waa kiiskii saddexaad oo nuuciisa ah oo ka dhaca Puntland. Sanadkii 2019, Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabadh 12 jir ah ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Sidaas oo kale, Hodan Shanlayste ayaa isla sanadkaas kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Garowe.
Puntland ayaa 2020 xukun dil ah ku fulisay raggii ka dambeeyay kiiska Caa’isha Ilyaas, halka kiiska Garowe ka dhacay la waayay dambiilayaashii falkaas ka dambeeyay.
@Hiiraan