Hargeysa(Berberanews)-Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay qabteen laba qof oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Argagixisada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Sanqadhi (Daba-Gale) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xaaladda amniga iyo diyaargarawga xuska 18May.
Taliye Snqadhi, wuxuu sheegay in qof walba oo shacabka Somaliland looga baahanyahay inuu amniga dhinaciisa ka ilaaliyo, isla markaana ka fiirsado waxyaabaha ku xeeran, isla markaana wixii ay ka shakiyaan kusoo wargeliyaan Ciidanka Booliska Somaliland, ama cidda ugu dhow ee gaadhsiin karta Booliska.
Sareeye Gaas, Maxamed Aadan Sanqadhi (Daba-gale), wuxuu sheegay in labada qof ee la qabtay ay ahaayeen kuwo dhowaan dalka yimi, isla markaana ay kas dhex heleen dadkii ay shacabku lasoo wadaageen ee ay ka shakiyeen, wuxuuna uga mahadceliyay shacabka lasoo socodsiiyay.
“Todobaadkan u danbeeyay laba qof oo argagaixiso ah ayaan ka dhex qabanay wixii ay dadku noo soo sheegeen” ayuu yidhi Taliye Daba-gale.
Hase yeeshee Taliye Daba-gale, ma sheegin xilliga ay qabteen labada qof ee looga shakiyay argagixisada iyo halka ay ka yimaadeen, isla markaana lama wadaagin warbaahinta labada qof ee uu sheegay inay qabteen.
Dhinaca kale, Somaliland waxa si weyn uga socda diyaargarawga xuska sannad-guurada 32aad ee kasoo wareegtay markii ay shacabka Somaliland go’aansadeen inay lasoo noqdaan madaxbanaanidoodii shirkii Burco 18 May 1991, taas oo lagula soo noqday xorriyaddii luntay 1960, markii ay Somaliland la midawday Soomaaliyada uu Talyaanigu gumaysanayay.