Waa ayaan Axadeed oo tirsiga miilaadigu ku buuxo 21.5.2023ka, amintu waa goor casar ah qormo gaaban oo suxufiga Axmed Siciid Cige, bartiisa face booka soo dhigay iyo sawirka Filimqaade Xasan-Biid oo ay ka wada tirsanaayeen Telefishinkii Soomaaliya, oo sida uu sheegay ay iska heleen Face-ka.ayaan indhaha saaray
Inkastoo uu ahaa qoraal intii aragtay si degan u akhrisatay, balse wuxuu igu kiciyey Ladh culus oo dhinaca xusuusta ah, Xasan Maxamed Cismaan (Xasan-Biid) ka sokow Magaciisa ku qornaan jiray Shaashada Tvga marka la sheegayo Barmaamij ama filin uu soo duubay, waxaan dhowr mar ku arkay Gegidii Muqdisho Istaatyam (Isbartiimadii) gaar ahaan xiliyadii ay socdeen Ciyaarihii Kubada Cagta ee Gobolada Soomaaliya
Wiil dhalinyaro ah, oo sida loo lebisanyahay, qaabka kamarada loogu xaragoonayo, shaxshaxda ka muuqataa qurux waqtigeedii joogtay ahayd, maantase waa muuqaal kale iyo Ayaan tii hore ka duwan. Intaasi waa Xasan-Biid iyo xusuustii u gaarka ahayd
Maqalka sheekada Telefishinkaasi waxay igu leedahay xusuus kasoo bilaabanaysa dunidii wakhtigaas jirtay siday ahayd, sooyaal tegay iyo sanado galbaday. Oo aan ahaa barbaar d’ayar oo xiiso weyn u haya dhal-dhalaalka Aduunyadii xiligaa taagnayd.
Madadaalada ka bixi jirtay iyo xiisaha aan u hayey wax dhayal iyo si fudud lagu ilaabi karo ma ahayn. Barmaamij cilmiyeedyadii qaybaha kala duwan isugu jiray ee iyagoo Afsoomaali loo turjumay aan daawan jirayna waxay qayb muhiim ah ka noqdeen Manhajkaygii aqoonta.
Hadaba Telefishinkaas oo siduu u dhamaa ku burburay dagaaladii lala galay nidaamkii MSBare ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, Sheekada Xasan-Biid iyo soo hadal-qaadka TVgaasi, wuxuu mid mid ii hor keenay Akhyaar badan oo aanan geeri iyo Nolol warkooda maqal. waxaanay ka fursan weyday inaan qalinka iyo waraaqda isu qaato si aan uga nefiso daadka xusuusta ah.
Telefishinkan oo sidaan maqlay ay Dowlada Kuwayt ugu deeqday Soomaaliya balse markii ugu horaysay ay dhaqaajiyeen Farsamayaqaano Masaari ahi.
Beryihii dambase waxaa hawshiisa faraha looga qaaday Dhalinyaradii Soomaalida ee Masaaridu wax bartay. Masaafo ahaana wuxuu gaadhsiisnaa oo laga daawan jiray In ku siman 90Km waa Magaalada Muqdisho iyo labada Gobol Shabeelada Hoose iyo Dhexe. Celcelis ahaana 4 Saacadood ayuu hawada ku jiray,
Mudo dheerna waxaa balwad ii ahayd inaan habeen walba dhowr saacadood ku qaado Daawashada Tvga, Inkastoo uu marxalado kala duwan soo maray balse horaantii Sanadkii 1984kii waxaa lagu soo kordhiyey Tvgaas dhowr barmaamij oo ay kamid ahaayeen, Socdaalka Aduunka oo AHN Axmed Xasan Cawke soo diyaarin jiray mawduucyo laga soo xulay dhacdooyinka dunida ayaanu ka koobnaa,
Xiddigaha oo ay Barmaamij soo saare ka ahayd Luul Tahliil waxaa lagu waraysan jiray Bahda Fanka, Muuqaalka Nolosha oo C/naasir Maxamed Jaamac diyaarin jiray oo qaybo dhowr ah ka koobnaa dadka haldoorka ahna lagu waraysan jiray.
waxaan aad ugu xidhnaa Barmaamijka Socdaalka Aduunka oo gaba-gabadiisa lagu soo xidhi jiray su’aal daawadeyaasha la weydiiyo, qofka gartana abaal-marin la siin jirin
Nasiib wanaag waxaan ku guuleystay, bishii Septembar 1985 Barmaamij la baahiyey oo su’aasha u dambaysaa ahayd waxaad sheegtaa Dal ku yaala Qaarada Yurub oo Xuduud la wadaaga wadan keliya, kaasoo ah Dalka Boortaqiiska oo Isbayn keliya xad la leh,
Mowduucyada kale ee sida weyn loo xiiseyn jiray waxaa kamid ahaa musa’salkii caanka ahaa ee Sahratu Zuuli Caaliya oo ahaa Filim Masri ah oo mudo dheer ka socon jiray, TV-ga Qisooyin iyo dhacdooyin xidhiidh ah ayaanu xambaarsanaa, sidoo kale Filimkii Abbu Saalax yuruuti Xal, iyo Huwa Wa Hiya iyo Musasalkii Kharaj walam yacud,oo xiisahooda qof daawaday mooyee aan cid kale ka sheekayn karin. Dhinaca Filimada Reer Galbeedka ee Telefishinkaasi baahiyey waxaa kamid ahaa OLD FOX (Deer Alte) oo mu’aamarada iyo shirqoolada laysu dhigaayo iyo sida laysu khaarajinaayo indhuhu kusoo baxayaan.
Filimada Maaweelada Caruurta oo ubadku si weyn uga heli jireen kuwoodii ugu caansanaa oo ay kamid ahaayeen IFTAX YAA ZAMZAM, CALI BAABA, iyo Kartuunkii ama Boombalahi LUCMAAN dadka qaarna u yaqaaneen NUCMAAN.
Xiliyada uu sida weyn kor ugu kacay Daawashada Tvgaasi waxaa kamid ahaa Tartankii Koobkii Aduunka ee 1986kii Dalka Meksiko, oo Ciyaarihii ka socday laga daawan jiray. mudo 7-Sanadood ah ayaanu Hawada ku jiray waa 1983-1990 Telefishinkaasi, Markalena waxaan usoo joogay markii uu hawada ka baxay ayaamihii u dambeeyay 1990kii.
Hadaba inkastoo qalabka wakhtiyadaasi lagu shaqaynaayey uu ahaa mid Boqol jeer ka hooseeya aaladaha Casrigan Maanta la isticmaalo, hadana tayada Suxufiyiintii ka hawlgeli jiray Warbaahintii Xiliyadaasi waxaan la dafiri karin inay kun jeer ka xirfad sareeyeen Dadka mudooyinkan dambe Saaxada Warbaahinta ku jira.
Hadaan gaar u soo qaado Akhyaartii Telefishinkii Soomaaliya ee aan weli xusuustayda ka bixin waxaa kamid ahaa
AHN C/raxmaan Aadan (Kawndha)
Maxamed Nuur Baasaale
Jaamac Cabdi Axmed
Cumar Cali Cosoble
Cali M.Yuusuf
C/xakiin Maxamed Aadan (Dheg-dhaqaaje)
Cumar Cabdala
C/rixiin Suleyman Cabdala
Abuukar Xasan Macalin
Joon Khataari
Maxamed Aadan
Cabdi Nuur Cabdi (Aboorey)
Xuseen Xasan
Waxaa kale oo jiray Hablo ka tirsanaa Telefishinka oo aan kasii xusuusto
-Maryan Cali Aayad
-Xorriyo Maxamed Baare
-Naadiya Cali Cilmi
-Hodan Makhtal
waxa kale oo jirtay Gabadh inta badan warka Akhriyi jirtay oo aan filayo in Magaceedu ahaa Zamzam Cali Jowhar oo sida lay sheegay sanadkii 1977 Weriye ka ahayd Radio Addis Ababa, markii dambana Soomaliya usoo wareegtay.
Xubnaha Dhinaca Farsamada ee ka hawlgali jiray Dhiishka ama Saxanka Satalaydka oo lakala odhan jiray –Cali Afey Shahiidka (Dhiil-duug) iyo Axmed Maxamed Gaabshe. xiliga ciyaaraha Aduunka. Ayaana magacooda isagoo qoran laga akhrisan jiray shaashadaha
Waxaa kaloo jiray niman Masaari ah oo la kala odhan jiray Mustafa Kaamil iyo Cali Abuu Al-Nasar.
Markaan hadaba dib u milicsado War iyo wacaal wixii aan ka helay Akhyaartaas Telefishinka Soomaaliya, horaantii sanadkii xili aan filaayo inay ahayd sanadkii 1999-waxaa Magaalada Hargeysa ku geeriyooday AHN C/raxmaan Aadan Cumar (Kawndha).oo ahaa Filimqaade heer caalami ah oo horena uga soo shaqeeyey Telefishinka Cable News Network (CNN).
Sidoo kale waxaan maqlay in Filimqaade C/xakiin-Dhegdhaqaaje uu hada ku dhaqan yahay Dalka Ingiriiska sida uu ii sheegay Nin ay walaalo yihiin oo Magaalada Berbera Dukaan ku haysta oo lagu magacaabo C/ladiif Maxamed Aadan, waxaa kale oo magaalada Hargeysa hadda ku sugan Maxamed Aw Aadan (Duur) oo kamid ahaa Filimqaadeyaashii Telefishinkaasi.