Qalinkii Cali-Mahad
Alaha u naxariistee waxaa habeenimadii xalay 30.10.2023 ku geeriyooday Magaalada Berbera Oday Maxamuud Cumar Nuur Samatar oo ahaa Ninkii wakhtigan ugu da’da weynaa Magaalada Berbera.
AHN Marxuumku wuxuu ahaa Oday Samatalis ah oo Dadka jilicsan aad u gacan qabta.Mudo 20 Sano oo aanu deris ahayna waxaan marar badan kala sheekaystay. Taariikh badan oo usoo joogay. Arimaha uu iiga waramayna waxaa kamid ahaa inuu la kulmay Sarkaalkii la.odhan jiray Xaaji Muuse Igare (INA IGARE) Xili ku siman sanadihii Sodomeeyadii waxa kale oo iiga Sheekeeyey Wakhtigii Talyaanigu qabsaday Magaalada Berbera oo ahayd 19.8.1940kii. iyo meelihii ay Ciidamadiisu Fadhiisinada ka dhigteen.
sidoo kale Dagaalkii Rogaal-celiska ahaa ee Ciidamada Ingiriisku dib ugu saareen Berbera. waxaanu mid mid uga iiga sheekeeyey Duruufihii waayahaasi jiray.
AHN Oday Maxamuud Cumar qisooyinka Taariikhiga ah ee ku saabsanaa Magaalada Berbera iyo Qarnigii Ina dhaafay, oo ay ahayd Xarunta Ganacsiga Alaabta ka soo degtaana gaadhi jirtay ilaa Itoobiyada fog. Cahdigaasna Baayac-mushtarka waxaa gadhwadeen ka ahaa Carab, Hindi iyo Yuhuud. Ganacsatada Soomaalidana waxaa ugu magac weynaa Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Xashiish.
Sida aan marar badan maqlayna isla markaana aan ka hubiyey Maxamuud Cumar Laftiisa inkastoo d’a ahaan ay kala weynaayeen waxay aad isugu dhodhowaayeen AHN Xaaji Ibraahin Cigaal Qaasaali oo ahaa M/weynihii 2aad ee Somaliland Aabihii iyo AHN Maxamuud Cumar Nuur, wuxuu iiga waramay in horaantii 1954kii uu xanuunka Faaligu ku dhuftay AHN Xaaji Ibraahin Cigaal.oo markaa joogay Berbera waxaanu u geynay Aniga iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Meesha la yidhaahdo Biyo Kulul oo aanu teendho uga dhisnay laakiin mudo ka dib ayaa tii Alle u timid. AHN Marxuum Maxmuud Cumar Nuur oo ahaa ehlu cibaado ah. waxyaabaha aad loogu xusuusto waxaa kamid ahaa Gobanimadii, Odaytinamadii, sida uu uga war hayey danyarta ah. iyo dadka Jaarka ah oo aan marar badan usoo joogay siduu u waraysan jiray. waxaanu ahaa Qof Xalaal cun ah.
La soco Qormada dambe iyo laba dhacdo oo markhaatigeeda uu furay Marxuumku