Munaasibadda dabbaaldegda xuska 26-ka June oo Madaxtooyada Somaliland lagu qabtay

Hargeysa:26/06/2024(Berberanews)-Munaasibad ballaadhan oo loogu fooladaynayo 64-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay madaxtooyada qaranka.

Munaasibadda xuska maalinta xorriyadda waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xisbiyada UCID iyo KULMIYE, madaxda qaar kamid ah ururrada siyaasadda, taliyayeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, Diblomaasiyiin ka socda qaar kamid ah dalalka caalamka, siyaasiyiin, haldoor dhallinyaro, aqoonyahan, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, iyada oo  madasha la jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintani bulshada reer Somaliland.

Ugu horrayn, waxa madasha lagu soo bandhigay riwaayad iyo suugaan lagu hogo-tusaalaynayo qiimaha ay maalinta 26-ka June oo markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladii Ingiriisku u leedahay bulshada iyo sida ay ugu dheer tahay dadweynaha.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii ay Soo martay maalinta xorriyadda ee 26-ka June iyo dedaalkii loo maray in himiladaas la rumeeyo.

Mujaahid Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo kamid ah dadka baalka dahabka ah ugu qoran shacabka reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka ku bogaadiyey maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 26-ka June, waxana uu kula dardaarmay inay ilaashadaan xorriyadda ay gacanta ku haystaan.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dhankiisa bulshada reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda  maalinta xorriyadda ee 26-ka June, waxana uu shacabka iyo siyaasiyiintaba ugu baaqay inay midoobaan danta guudna gacmaha isu wada qabsadaan.

Guddoomiye Faysal waxa uu farriin gaar ah u diray golaha wakiillada Somaliland oo usoo jeediyey inay danta qaranka ka shaqeeyaan, bulshadii soo dooratayna si hufan ugu adeegaan, waxana uu yidhi, “Baarlamaanku ha shaqeeyo oo hasoo daayo miisaaniyadda, sharciguna ha shaqeeyo, wixii inoo kordhaana Muuse u kordhi maayee qarankuu u korddhayaa,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo si kooban uga hadlay munaasibadda, ayaa bulshada u diray Hambalyo iyo bogaadin, waxana uu kula dardaarmay inay shacabku isu kaashadaan horumarka dalkooda.

Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhankiisa munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxana uu ugu horrayn farriin cad u diray maamulka Muqdisho oo uu ugu baaqay inay xasaradda ka daayaan shacabka reer Somaliland ee horumarka qarankooda u taagan, isaga oo caddeeyey inay shacabka Somaliland qaateen go’aan aanay abid dib uga noqon doonin, waxana uu yidhi,”Go’aanka aannu qaadannay ma aha mid aannu kasoo noqonaynee yaanu waqti nagaga kiin lumin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn shacabka ku hambalyeeyey 64-guurada kasoo wareegtay maalinta xorriyadda ee 26-ka June, waxana uu si gaar ah uga hadlay heshiiskii is Af-garad ee ay wada gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Ethiopia, isaga oo caddeeyey in saxeexu dhawaan dhici doono, dibna aan looga laaban doonin, waxana uu yidhi, “MOU-gu, waxa uu marayaa in labada dhinacba ay ka go’an tahay oo la saxeexo, inagana waxba dhulka inagama yaallaan, kuna abshira inaanu kaasi ka noqosho lahayn.”

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka kusoo foolka leh iyo sida xukuumadda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay in dalka laga qabto doorashooyin hufan oo shuruucda ku qotoma, “Sannadakani waa sannad doorasho, xukuumad ahaana waxaanu goaaminay inaanu xag Allah mooyaane waqtigeeda ku qabanno, “Si aynu u kala nabadgalno waxaynu kharash shan milyan ku dhaw gelinnay in Isha la sawiro, xisbiyada mucaaridka qaarkood baa taas diiddan, in isha bu’deeda la sawirana sharciga doorashooyinkay ku qoran tahay, taasna waa la fulinayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.