Golaha Wakiillada oo anxiyay Miisaaniyad-sanadeedka 2024

Hargeysa(Berberanews)- Gollaha Wakiiladda Somaliland, ayaa meel mariyay miisaaniyadda Qaranka ee xukuumadda Madaxweyne Biixi  hore isugu khilaafeen.

Miisaaniyad sanadeedka 2024, ayaa hore xukuumaddu ugu soo gudbisay Gollaha, bales mudanayaasha ayaa xilligaa wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyay, iyagoo markaa kaddib ku ansiyay cod 42 ah Marxh 2024.

Hase yeeshee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa diiday lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista Gollaha wakiiladda ee miisaaniyadda 2024, waxaana ka dhashay murran soo kala dhexgalay waaxda filinta ee Madaxtooyadda iyo Gollaha Wakiiladda oo ah waaxda sharci dejinta ee Baarlamaanka.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa markaa kaddib Digreeto kusoo saartay in lasii isticmaalo miisaaniyadii 2023, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa mar kale Gollaha usoo gudbiyay lifaaq uu Gollaha kaga dalbanayo in Miisaaniyadda 2024 sideedii ay ku ansixiyaan, iyadoo meesha laga saarayo lifaaqa kaabista iyo wax-ka -bedelka ay hore  ugu  sameeyeen Gollaha wakiiladu.

59 xildhibaan oo kasoo xaadiray fadhiga saaka Sabti 29 Jun 2024, , wuxuu Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo guddoominayay fadhiga weydiiyay xildhibaanada in ay u codeeyaan soo jeedinta Madaxweynaha oo ay aqbalaan oo sidaa loogu codeeyo Miisaaniyadda iyo in la diido.

Hase yeeshee markii Gollaha la weydiiyay kala Doorashada  innay aqbalaan ama diidaan soo jeedinta Madaxweynaha waxa cod la geliyay ku ogolaaday 35, halka 9 xildhibaan ka aamuseen, 14 xildhibaan ayaa iyagu diiday,  iyadoo aannu Guddoomiye Faratoon codayn. Sidaa ayaana lagu Ansixiyay Miisaaniyadda ay golluhu muddada  afarta bilood ku dhow isku khilaafsanaayeen Xukuumadda, waxaana lagu ansixiyay qaabkii xukuumaddu usoo qorshaysay miinaasinayadda Qaranka ee 2024.