Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la qaatay Madaxdhaqeedka Awdal

Hargeysa-30-06-2024-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda gaashaandhiga , mudane Rooble Muuse Cabdi, wasiir ku-xigeenka hawlaha guud,  mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin,xildhibaan Axmed Daahir Jirde, guddoomiyaha gobolka hawd ayaa maanta kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada Gobollada Awdal iyo Salal kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Cali Cumar Boon, Caaqil Cilmi Maxamed Warfaa, Caaqil Geelle Wacays, Caaqil Xasan Cabdilaahi iyo Oday Aadan Cabdilaahi Boodh.

Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud iyo difaaca Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.

Madaxdhaqameedka iyo aqoonyahanka gobollada Awdal iyo Salal, ayaa madaxweynaha hortiisa ka caddeeyey inay weligoodba ahaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, imikana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin si buuxdana u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.