Somaliland oo La keenayo Maalgashiyo Gaadhaaya 1Billion oo Dollor

Dubai-(Berberanews)-Wafti u Hogaaminyo Wasiirka Wasaarada Horumarinta  Maaliyadda Jamhuuriyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa gaadhey Dalka Isutaga Emiraatka Carabta  Uae  .
Waftigan waxa kuso dhaweeyey magaalada Dubai, Uae Ambassadorka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya dalka Isutaga Emiraatka Carabta Uae  Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax isla markaana ah xidhiidhiyaha dalalka Gacanka Khaliijka ( Gulf States)

Wasiir Sacad Cali shire iyo Ambassador Badmaax oo ay wehelinayeen wafdi ka socday Free zonka iyo Boardhka DP World oo ay ka mid yihiin Cali Xassan Cawaale, Cabdikarim Ibraahim Saleebaan  iyo Xubna  ka socda Qaybata tijaarada ( Commerce division)  ee Safaarada Somaliland  ee Emiraatka Jaamac Cabdisamad Aadan iyo Hana Jaamac Axmed ayaa martiqaad Qaddo sharaf ah wada yeesheen madaxda ugu sareysa Shirkada IFCO oo maalgashi aad u balaadhan dhawaan kasameysey kana  fulisey Free zonka Magaaladda Berbera.

Waxaana dhinaca, Somaliland wehelinaayay Madaxda IFCO Madaxa ( Country Manager) Shirka IFCO ee Somaliland Yusuf Cabdillahi Yaasiin Wada hadaladan ayaa Ku Saab sanaa Sidii Shirkadaasi ay usi balaadhin laheyd korna ugu Qaadi Lahayd maalgashi geeda Jamhuuriyada Somaliland oo ah dal hodan ah oo u furan maalgashi balaadhan Ahna dal sharcigiisi iyo habdhaqankiisa maalgashi ( Investment law and Regulation) ay dhameystiran yihiin diyaar na u ah  malgashi noockasta oo balaadhan Waxa kale oo iyana Xusid mudan in Board meetingki Shirkada Somaliland Investment Company ( SIC) oo ay Gudoomiyeyaal ( Directors) ka yihiin Dr Sacad Cali Shire iyo Ambassador Cismaan Badmaax  ay shirkoodi sanad la ahaa ( Yearly Board meeting) uu ku Qabsoomey magaalaada Dubai,  Shrikada Somaliland Investment Company (SIC) oo ka diwaan gashan Dubai international Financial Centre ( DIFC)  aya iyada laga duulayo Manhajka iyo siyaasada u,Degsan Maalgashiga  Somaliland ee ku hogaaminayo Madexweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muse Bixi Cabdi

ayaa Shirkii Boardka Sanadla ahaa goaano wax ku ool ah  lagu gaadhey taas oo ah in la dardar galiyo maalgashi mug weyn oo La keeno Somaliland Halkaas laguna so saarey  strategiyo cilmiyeysan oo lagu dhiiri galinayo laguna dardargalinayo sidii  Maalgashi balaadhan loogu heli laha dhinacyada ( sectors)  kala duwan oo manfac iyo maalba kuso kordhinaya Jamhuuriyada Somaliland.  Waxey Safaarada Somaliland ee Dalka Isutaga Emiraatku ay qaban doonta bisha Oktoober 2024 shir caalamiya oo lagu casumayo Malgashayaal Caalami ( Major International Investors)  lagu qaban doono magaalada Dubai ee Isutaga Imaraatka Carabta looguna magac darey “Invest Somailand internatinal Conference Dubai” oo cinwaankeeduna yahey ” Somaliland is open for Business” lagun casumi doono maalgashyaalada ugu waa weyn aduunka ( Major International Investors) dhinacyada ama sectorska  Oil & Gas , mining & fishing industry, food and packaging industry, farming and agriculture,  Information Technology, Livestock, Real Estate, Telecommunication, Shipping and marine transportation, Banking and Finance ,  Rail & RoadTransportation,  logistics ,  heavy machinery and Equipment. Laba dawladood oo kala Dawlada Isutaga Imraatka Carabta   UAE iyo Dalka Kuwait aya gacan ka geysan doono ( Sponsors) si uu shirkaasi u qabsoomo.

Ambassador Badmaax aya carabka ku dhuftey in ay hadafkoda iyo yoolkoodu yahey in loo soo jiido Jamhuuriyada Soomaliland  maalgashiigi ugu balaadhna abad laguna beegsanayo maalgashi xadigiisu noqonayo  $500,000 ila 1Billion dollor.