Somaliland oo soo bandhigtay caddaymo Muujinaya dagaalka Djibouti ku hayso

Hsrgeysa_(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed oo saaka Shir jaraaid ku qabtay Xarunta Warfaafinta, ayaa soo bandhigay caddaymo muujinaya sida ay Djibouti ugu hawlantahay dagaal ka dhan ah Somaliland taasoo uu sheegay inay soo bilaabantay markii Somaliland iyo Ethiopia kala saxeexdeen Isfahamka Saldhigga Badda.

“Waxaan isugu Kiin yeedhay Niman yidhi Awdal baanu xoraynaynaa, Djibouti gudaheedana dhaqdhaqaaqyo badan ka sameeyay, hadalana oo saxaafdda soo geliyay iyagoo Xarunta Djibouti ka hadlaya.
Arintaas oo Madaxweynaha Somaliland sheegay inaanu Djibouti ka Filayn in caasimadeeda Jabhad leh waxaannu xoraynaynaa Awdal inay dhaqdhaqaaqaas ka sameeyaan ama kasoo hanjabaan.

Sidii ay Somaliland iyo Ethiopia ay u kala saxeexdeen MOU-gii badda ku saabsanaa dowladda Djibouti ilaa 10 jeer ayay ka hadashay, waxa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Debedda , waxaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, waxaa isaguna 5 jeer ka hadlay Wasiirka Maaliyadda oo isagu shaqoba la dhigtay MOU-ga iyo Somaliland .

Intaas ay hadlayeen Jamhuuriyadda Somaliland mar qudha umay jawaabin siyaabo kala duwanan way UGA hadleen oo runtii ay ahayd inaanay sidaas isugu hawlin.”.