Maxkamdda Hargeysa oo xukun iyo ganaax ku riday Dirawal anshax-xumo sameeyay

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Gobalka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun saddex sannadood oo xadhig ah ku riday iyo ganaax lacageed oo dhan Laba Milyan oo Shilin Somaliland ah Mahad Xariir Daahir oo dhawaan  Ciidamada Booliska JSL  gacanta ku soo dhigeen , kaasi oo ku eedaysanaa inuu sameeyay faldambiyeed ka baxsan anshaxa Darawalnimo,isaga oo halis galiyay naftiisa iyo badqabka dadka iyo duunyadaba .

Hadaba Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu farayaa wadayaasha gaadiidka inay ka digtoonaadaan falalka noocaasoo kale ah, waxaana laga qaadi doonaa  tallaabo sharciga waafaqsan cidii arrimaha noocaasa ku kacda.