Trump oo toogasho lagu dhaawacay

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa toogasho lagu dhaawacay, xilli uu ka khudbadeynaayey magaalada  Butler ee gobolka Pennsylvania.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ahna musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa laga soo galbiyay fagaaraha isu soo bax ka dhacay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania ka dib markii ay muuqatay in rasaas ay haleeshay.

Guddiga Ololihiisa ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen inuu “wanaagsan yahay” laguna qiimeynayo goob caafimaad. Trump ayaa u muuqday mid dhegta ka dhiig baxaya markii masraxa laga saarayay.

Sawiro la baahiyey ayaa muujinaya dhaawacyo kasoo gaadhay dhegta agteeda, Kooxaha amaanka ee loo yaqaano Secret Services ay kala cararren goobtii uu ka khudbadeynayay.

#news #BreakingNews