Booliska Somalia oo war kasoo saaray Qarax Alshabaab fulisay

Muqdisho-(Berberanews)-Taliska ciidanka Booliiska Somalia ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Makhaayad ku taala degmada Boondheere ee Muqdisho.

Qaraxa Ismiidaaminta oo ahaa oo Masuulliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab una adeegsatay gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya 5 qof oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 20 kale.

Goobta Qaraxa lagu weeraray oo lagu magacaabo Top Coffe ayaa la sheegay iney waqtigaas ku sugnayeen dhalinyaro badan oo halkaas ku daawanaayay Ciyaarta Finalka aheyd ee u dhaxeysay Spain iyo England.

“14-july-2024 abaaro 10:28pm Kooxaha Argigixisada ah ee Caadeysatey in ay la dagaalamaan horumarka iyo Nabadda Bulshada Soomaaliyeed waxay gaadhi ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa baakimeen Goob Maqaayad ah oo lagu magacaabo (Top) oo ay Dhalinyara Soomaaliyeed ay ku caweynaysay oo ku Taala Degmada Boondhere, waxaana la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 Qof iyo ilaa 20 qof oo Dhaawac fudud ah . Waxaa jira qasaare hanti oo u badan baabuur ay lahaayeen Dhaliyarta Goobta ku caweynaysay” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Booliiska Somalia.