Ethiopia oo xayiraad 30 sano saarnayd ka qaadday 10 kun oo qof

Ethiopia-(Berberanews)-Itoobiya ayaa ka qaadday xayiraaddii socdaalka in ka badan 10,000 oo muwaadiniin ah, kuwaas oo markii hore loo xayiray inay u safraan dibadda sababo amni iyo dano qaran muddo 30 sano ah.

Isbeddelkan la taaban karo waxaa ku dhawaaqday Selamawit Dawit, Agaasimaha Guud ee Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha, mar ay saxaafadda la hadashay todobaadkii hore.
Selamawit waxay daaha ka qaaday in shaqsiyaadkan laga mamnuucay safarada caalamiga ah tan iyo 1994kii.

Waxaa intaa dheer, oo ay sheegtay in xafiiskeedu uu bixiyay 1.1 milyan oo baasaboor sanad xisaabeedka dhawaan dhamaaday. Isla muddadaas, waxaa tallaabo sharci ah laga qaaday 18,000 oo ajaanib ah oo ku noolaa dalka Itoobiya, kuwaas oo sitay dukumentiyo sharci darro ah, taasoo keentay in 6,000 oo qof la musaafuriyo.