13 qof oo ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay Bangladesh

Bangaladesh-(Berberanews)-Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay Khamiitii shalay, kaddib marki ay isku dhaceen kumannaan arday ah oo ku hubeysnaa ulo iyo dhagxaan iyo ciidamada booliska magaalada Dhaca ee caasimadda dalka Bangladesh.

Rabshadihi shalay ayaa ahaa kuwi ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki ay Bangladesh ka billowdeen, mudaaharaadyada ay ardayda uga soo horjeedaan siyaasad ay dowladda soo rogtay oo shaqooyinka dowladda ka bannaan qeyb badan oo ka mid ah siineysa dad gaar ah oo ka mid ah mujtamaca.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dawladda la siiyo qaraabada dadki kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Bannaanbaxyada ayaa xooggooda ka socda jaamacadda caanka ah ee Dhaka. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay tirada dhimashada dadka lagu dilay mudaaharaadka ay gaareen 25 qof.

@VOA