Turkiga oo Maraakiib shiidaal Baadhisa usoo diraya Somalia

Somalia-(Berberabews)-Somalia iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska.

Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Sonalia Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka tamarta Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Turkigu u diri doono markabkiisa cilmi baadhista ee Oruç Reis si uu cilmi baardhs ugu sameeyo aag ka baxsan xeebaha Somaaliya dhamaadka sanadkan.

Bayraktar oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay, in Turkigu  siddeeddii sano ee u dambeeyay uu ku howlanaa dadaallada sahaminta gaaska dabiiciga ah, isagoo adeegsanaya awooddiisa maraakiibta qodista.

“Waxaan tusaale u aragnaa tan maanta, in heshiiskii aan Soomaaliya kula galnay hoolkan 7-dii March, 2024, uu maanta noqday mid la taaban karo,” ayuu raaciyay.

Bayraktar ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu ku dhawaaqay in Turkiga uu sahamin doono Gaaska Dabiiciga ah iyo Shidaalka saddex qeybood oo ku yaalla Badda Soomaaliya.