Dil foolxun oo ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Hiiraan-(Berberanews)-Wiil.dhallinyaro ah ayaa ku dilay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan aabbaha dhalay xaaskiisa (Sodoggii) gelinkii danbe ee shalay.

Aabaha la dilay oo ahaa shaqsi caan ka ahaa magaalada Maxaas iyo nawaaxigeeda ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud Siyaad.

Ninka dilka u geystay aabaha dhalay xaaskiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed Xuseen Afweeyne, lamana soo warin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu u geystay ninkaan sodogiisa.

Dilka Odayga ayaa argagax geliyay  dadka ku nool magaaladaas.

Dhacdaan waxaa si weyn u hadal haayo dadka ku nool degmada Maxaas oo si weyn arintan uga argagaxay, waxaana dilkaan uu qeyb la noqonaya dilalka naxdinta badan ee mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay gudaha dalka.