Golaha Wakiilada Somaliland oo laysugu yeedhay shir degdega

Hargeysa-(Berberanews)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa laysugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn si ay go’aan uga gaadhaan dacwadda lagu soo oogay xildhibaan Maxamed Abiib.

Xeer -ilaalinta Somaliland ayaa u gudbisay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiada dacwad ka dhan ah Xildhibaan Maxamed Abiib, iyagoo ka dalbaday in xilka laga qaado si loogu soo oogo dacwadda koo haysto.