Kamala Harris oo helaysa taageero weyn

USA-(Berberanews)-Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris, ayaa Isniinti shalay si degdeg ah u dhaqaajisay tallaabooyinka ugu horreeya ee ololaheeda doorashada, si ay u caddeyso in ay tahay musharaxa ugu cadcad musharaxnimada xilka madaxweynenimada ee xisbiga Dimuqraadiga.

Harris, ayaa shalay oo kaliyah ururisay tobanaan milyan oo doolar oo ay ugu yabooheen deeq-bixiyaasha dimoqraadiga, iyada oo taageero ballaadhanna ka heshay madaxda ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga.

Maanta oo salaada ah ayaana lagu wadaa in ay si rassmi ah olalaheeda doorashada uga billowdo magaalada Miluaki ee gobolka Wisconsin.