Muqdisho: Nin muddo iska dhigayay oo Xabsiga loo taxaabay

Ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Saldhiga degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin ku eedeysan inuu ku kacay fal anshax darro ah.

Ninkaan lagu xidhay Saldhiga Xamarweyne ayaa lagu magacaaba Axmed Suudi Macow Deeyow oo da’diisa lagu sheegay 30 sano, kaasoo ku eedeysan inuu ku kacay fal liddi ku ah dhaqan Soomaaliyeed, islamarkaana dooriyay jidhkiisa iskuna ekeeysiiyay dumar.

“Waxaa ku socota baadhista Boliiska waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Sawir ninkaan looga qaaday gudaha Saldhiga degmada Xamarweyne ayaa muujinaya inuu isku ekeysiiyey Dumar, isagoo xdhan lebiska haweenka, islamarkaana ay ka muuqdaan qaar ka mid ah caalamadaha dumarka.

Xadhiga ninkaan isku ekeysiiyay dumarka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Booliiska Muqdisho ay mudooyinkaan dambe ku howlanaayeen soo xidhisa dadka ku eedeysan ama ku kaca falalka  anshax darrada ah, waxaana dadkaas ku jira kuwa caan ka ah baraha bulshada caan ka ah, kuwaas oo qaarkood Maxkamad lasoo taagay, halka kuwa kalana ay yihiin Maxkamad sugayaal.

@Hiiraan